Home » Horyaalada » Eden Hazard Oo Jawaab Siiyay Kooxaha Doonayey & Waxa Uu Ka Dhahay Ka Tagista Kooxda Chelsea

Eden Hazard Oo Jawaab Siiyay Kooxaha Doonayey & Waxa Uu Ka Dhahay Ka Tagista Kooxda Chelsea

Eden Hazard ayaa iska diiday wararka sheegaya in uu isaga tagayo kooxda Chelsea xili ciyaareydada soo aadan kaasoo iska diiday in uu ku biiro koox kale.

26-sano jirkan ayaa ku jira xidigaha ay ku duusho kooxda horyaalka premier league hogaaminaysa ee Blues sidoo kale waxaa ay Semi final ka joogaan taratnka Labaad loogu jecelyahay dalka England ee FA Cup wuxuuna ku hammi weynyahay in uu Conte markiis augu horeeyay uu Stamford Bridge u keeno tartankaasi.

Xidigan reer Belgium ayaa ku jira liiska xidigaha ugu wanaasgan ee horyaalka ee loo yaqaan PFA Award kaaso 14-goalka saaciday kooxda Chelsea xili ciyaareydkan.

Si kastaba Hazard ayaa ku hami weyn in uu saacido kooxda chelsea si ay u qaado horyaalka xili ciyaareydkan, waxaana si weyn u baadi goobaya labo koox oo dunida magac weyn ku leh dhanka qarashaadkane aad u bixiya.

mar uu wareysi siinayey Telefot wuxuu yiri “markaan Ma ahan PSG, Waa Real Madrid iyo Bayern oo soo ¬†xuuraantameysa.. dhab ahaantii sanadkii lasoo dhaafay ma jirin cid isoo raadisay”

“ani ahaanteyda xitaa waxa igu jira hami ah in aan u ciyaaro koox kale balse waxaan xooga saarayaa kooxda aan haatan ku suganahay, hadii uu xili ciyaareydkan dhamado heshiiis ilaa 2020-ka ayaan ku joogaa halka, ani ahaanteyda halkaan waa meel wanaagsan waana ku faraxsanahay”

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *