Home » Europe » Eden Hazard oo oo runta u sheegay Real Madrid- Miyuu ku biirayaa xili ciyaareedka dambe?

Eden Hazard oo oo runta u sheegay Real Madrid- Miyuu ku biirayaa xili ciyaareedka dambe?

 

Eden Hazard ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada ah xagaaga inuu u dhaqaaqayo kooxda Real Madrid oo aad loola xiriirinayo.

Ka dib markii xilli ciyaareedkii 2014/15 xaalad xun uu la qaatay kooxda Bules, Hazard ayaa dib u dhis ku sameeyay qaab ciyaareedkiisii xagaagan isagoo ka caawiyay kooxda Antonio Conte ee Chelsea inay horyaalka Premier League ku guuleysto,

Eden Hazard ayaa dhaliyay 16 gool isagoo caawiyay shan gool kale xili ciyaareedkii hore, taasoo keentay in bartilmaameed sare uu unoqdo kooxda Madrid.

Laakiin Hazard ayaa bedelay wararka xan ah ee sheegaya inuu u dhaqaaqo kooxda reer Spain xagaagan, iyadoo Zinedine Zidane uu jecel weyn u qabo xiddiga caalamiga ah ee dalka Belgium.

Laakiin wareysi uu siiyay majalada kasoo baxda dalkiisa, 26-sano jirkaan waxa uu ku sheegay inuu doonayo inuu markale ku guuleysto horyaal Premier League iyo abaalmarinta laacibka sannadka.

“Waxaan rajeynayaa in sanadka soo socda si lamid ah sannadkaan aan ku guuleysto Premier League, iyo abaalmarinta laacibka sannadka ayuu yiri Hazard.

Arintaan ayaa meesha ka saartay wararkii xanta ahaa ee ciyaaryahanka la xiriirineysay inuu u dhaqaaqayo kooxda Real Madrid xili ciyaareedkaan.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *