Home » Horyaalada » Edin Dzeko Oo Record Cusub U Dhigay Kooxda As Roma.

Edin Dzeko Oo Record Cusub U Dhigay Kooxda As Roma.

Weeraryahanka kooxda caasimada dalka Taliyaaniga ka dhisan As Roma Eden Dzeko ayaa labo gool u dhaliyey kooxdiisa kulan ay ka hor timi naadiga Empoli garoonkooda Stadio Olimpico.

Dzeko ayaa labada gool uu ka dhaliyey kooxda Empoli ka dhigtay inuu noqdo xidigii ugu horeeyey  abid oo Roma u ciyaara kaasoo u dhaliya 33 gool dhamaan tartamada hal xilli ciyaareed waana Record u gooni ah laacibkan ku wanaagsan dhalinta goolasha ee Eden Dzeko.

Eden Dzeko labadan gool oo uu udhaliyey kooxda As Roma yaa u suuragalisay inuu sidoo kale noqdo xidiga ugu gooldhalinta sareeya horyaalka Seria A kuna horkacaya 23 gool isagoona kala wareegay laacibka lagu magacaabo AndreaBelotti una ciyarakooxda torino haatan leh 22 gool.

Xidigan heerka caalami ee u dhashay dalka Bosnia ayaa ayey u sahlnaatey inuu daafacyada kooxda Empoli si fudud ku daba marsiyey labo gool taasoo uu ku noqday in loo caleemo saaro inuu yahay xidigii ugu horeeyey taariikhda kooxda Roma u dhaliya 33 gool hal xilli ciyareed.

Dzeko ayaa haatan waqtiga wacan ku qaadanaya kooxda As Roma oo uu qaab amaah ah kula joogo halka kooxda milkiyidiisa leh ee ka dhisan dalka England ee Manchester City ay la dhibaatooneysa weeraryahan xumo iyo guul darooyin joogto ah.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *