Home » Maxaa Cusub » Faahfaahin Hordhac Ah Oo Ka Soo Baxday Dhaawacii Zlatan Ibrahimovic Soo Gaaray Xalayto & Mourinho Oo Farta Wadnaha Ku Haya`

Faahfaahin Hordhac Ah Oo Ka Soo Baxday Dhaawacii Zlatan Ibrahimovic Soo Gaaray Xalayto & Mourinho Oo Farta Wadnaha Ku Haya`

Xilli ciyaareedka Zlatan Ibrahimovic ayaa shaki uu ku jiraa ka dib markii dhaawac halis u muuqday uu ka soo gaaray jilibka kulankii ay Manchester United la ciyaareysay kooxda reer Belgium ee Anderlecht.

Weeraryahanka reer Sweden ayaa si xun u dhacay isagoo isku dayayay inuu koontaroolo kubada ilbiriqsiyadii ugu danbeeyay ee waqtiga caadiga ahaa.

Jilibka Ibrahimovic ayaa u muuqday mid dhaafay xadkii uu ku qaloocanayay, iyadoo weeraryahanka uu xanuun dhulka la fariistay.

Dhakhaatiirta ayaa loogu yeeray garoonka dhexdiisa markii seerigii ugu danbeeyay la yeeriyay laakiin weeraryahanka ayaa awood u yeeshay inuu isagoo dhutinaya uu ka baxayo garoonka.

Anthony Martial ayaa bedelay weeraryahanka bilowga waqtigii dheeriga ahaa.

Ka dib markii uu soo dhamaaday kulanka Jose Mourinho ayaa qirtay in baaritaankii ugu horeeyay ee lagu sameeyay Ibrahimobic iyo daafaca Marcos Rojo oo isna mar sii horeysay lagu qaaday sariirta bukaanka inaysan aheyn mid niyadsan.

Haddii dhaawaca uu noqdo mid halis u ah sida haatan laga baqayo waxaa macquul ah inuusan weeraryahanka ciyaarin inta ka harsan xilli ciyaareedkan.

United ayaa la ciyaareysa Burnley Axada ka hor kulanka Manchester Derby ee ay Etihad Stadium ku ciyaarayaan habeenka Khamiista

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *