Home » Maxaa Cusub » Fabregas, Coutinho & Jamie Vardy Oo Hogaaminaya Shaxda Kooxda Ugu Fiican Isbuucaan Horyaalka Premier League.

Fabregas, Coutinho & Jamie Vardy Oo Hogaaminaya Shaxda Kooxda Ugu Fiican Isbuucaan Horyaalka Premier League.

Todobaadkaan kulamadii horyaalka Premier League-ga ee dhacay waxaa kasoo baxay kulamo cajiib ah iyo natiijooyin kala duwan iyadoo kooxda hogaamineysa horyaalka hakad yar la galiyar markii ay Stamford Bridge guuldaro kaga gudoontay kooxda Crystal Palace.

Manchester United ayaa guul ka gaari weysay West Brom, halka Manchester City iyo Arsenal ay isku garab dhaceen, kaliya Liverpool iyo Spurs ayaa guulo gaaray marka la fiiriyo kooxaha ugu sareeya.

Shabakadda Caalamiga ah ee Goal ayaa sameysay shaxda kooxda ugu wanaagsan horyaalka Premier League iyadoo ay kasoo muuqdeen xidigo waaweyn , marka laga reebo Cesc Fabregas ciyaartoyda kale waa kuwo aan la kulmin guuldaro, balse xiddiga reer Spain isagoo la kulmay ayuu qaab ciyaareedkiisa ku muteystay.

Jamie Vardy iyo Ndidi oo ka wada tirsan Leicester City ayaa kasoo muuqday kuwaas oo guul gaarsiiyay kooxdooda, sidoo kalana britos iyo Cathcart oo ka tirsan Watford ayaa kasoo muuqday  kuwaas oo si dirqi ah kaga badiyay Sunderland.

Goolhaye Hennessey ayaa shaxdaan kasoo muuqday kaas oo la dhihi karo waa xiddiga guusha siiyay kooxdiisa Crystal Palace, Zaha ayaa sidoo kale ku jira.

Dhinaca kale kulankii Old Trafford laba xidig ayaa laga soo xushay Evans iyo Carrick, halka Coutinho uu isna soo galay shaxdaan muddo kadib markii uu kala diray Everton.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *