Home » Horyaalada » Fallnaqeeye Caan ah oo dhulka ku jiiday Paul Pogba” Man Utd waxay soo iibsatay Surwaal ka weyn!

Fallnaqeeye Caan ah oo dhulka ku jiiday Paul Pogba” Man Utd waxay soo iibsatay Surwaal ka weyn!

Manchester United ayaa surwaal ay qaadi Karin gashatay markii lacag rikoorka adduunka ugu qaalisan kusoo qaateen Paul Pogba, sida uu aaminsan yahay halyeeyga Liverpool Graeme Souness.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France ayaa ku biiray United oo bixisay £ 89million oo lagu daray £ 20million oo dheeraad ah taasoo uu leeyahay wakiilka ciyaaryahanka Mino Raiola.

lakiin Pogba ayaa ku dhibtooday inuu saameyn badan ku yeesho kooxda Manchester United tan iyo markii uu ku biiray xili ciyaareedkaan bilowgiisii.

Souness, oo ku guuleystay shan horyaal iyo saddex koob oo Yurub ah waayihiisii kooxda Liverpool, ayaa aaminsan in United ay dhib ku aheyd in Old Trafford kusoo celiso Pogba.

falanqeeyahaan ayaa u sheegay Sky Sports: “United waxay xiratay surwaal ka weyn markii ay lacag qaali ah kusoo iibsatay Paul Pogba.

“Waxa laga yaabaa ciyaaryahanka maalin maalmaha ka mid ah inuu noqdo mid sarre, laakiin hadda sida muuqata cidna kuma qanacsana awooda Pogba ee kooxda Manchester United.

Pogba ayaa dhaliyay kaliya afar gool oo Premier League, isagoo seddex gool caawiyay xilli ciyaareedkan, waxaana kooxda Jose Mourinho ay seegtay afarta sarre ee Premier League.

Laakiin Kooxda ayaa weli fursad heysta in ay usoo baxdo xilli ciyaareedka soo socda Champions League, waana in Ajax ku garaacaan finalka Europa League 24 May.

Pogba ma uusan ciyaarin kulankii barbaraha 0-0 Manchester United la gashay Southampton xalay, isagoo ku maqnaa aaska aabbihiis, laakiin waxaa la filayaa inuu ciyaaro kulanka Stockholm.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *