Home » Maxaa Cusub » Frank Lampard Muxuu Ka Yiri In Alexis Sanchez Lagu Daro Musharaxinta PFA Lagana Reebo Dele Alli?

Frank Lampard Muxuu Ka Yiri In Alexis Sanchez Lagu Daro Musharaxinta PFA Lagana Reebo Dele Alli?

Halyeeygii hore Chelsea Frank Lampard ayaa aad ula yaabay in Tottenham Hotspur wiilkeeda da’da yar Del Alli laga reebo liiska musharaxiinta abaalmarinta xidiga ugu wanaagsan horyaalka Premier league oo ay bixiyaan ururka xirfadlayaasha kubadda cagta..

Waxaa dhawaan lasoo saaray lixda xidig ee u tartami doona abaalmarinta xidiga xili ciyaareedka, Alli kama soo muuqan waxaana kasoo muuqday Alexis Sanchez, xilli wiilka reer England uu 16-gool u dhaliyay kooxdiisa.

21-jirkaan heerka caalami ayaase lagu daray liiska da’yarta ugu fiican isla abaalmarinta ay bixiyaan ururka xirfadlayaasha kubadda cagta, waxaana labada abaalmarin lagu dhawaaqi doonaa 23-ka April.

“Haa, Ali waxey aheyd inuu liiska ku jiro, waxey ila tahay codeynta aad ayey ugu dhawaaday” Frank Lampard ayaa u sheegay BBC isagoo markiisii ugu horeysay ka qeyb galaya barnaamijka Match of the Day.

“Marka aad fiiriso lixda, Sanchez wuxuu ka mid yahay koox inyar aan wanaagsaneen xili ciyareedkan, hoos u dhac yar ayaana ku yimid”

“Waxey ila tahay dhibaatada uu qabo Dele Alli iney tahay inuu wajigii hore ee xili ciyaareedka uu aad u liitay, laga yaabee inuu codadka sidaas ku waayay, ma aanan arkin qabakii uu lasoo daahay”

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *