Home » Horyaalada » Bundesliga » Frank Ribery Oo Sharraxay Sababta Uu Isaga Diiday Fursad Uu Ugu Biiri Karay Kooxaha Chelsea iyo Man United, Iyo Kooxda Ugu Danbaysa Uu Jecelyahay Inuu U Ciyaaro Kooxaha Europe.

Frank Ribery Oo Sharraxay Sababta Uu Isaga Diiday Fursad Uu Ugu Biiri Karay Kooxaha Chelsea iyo Man United, Iyo Kooxda Ugu Danbaysa Uu Jecelyahay Inuu U Ciyaaro Kooxaha Europe.

Frank Ribery ayaa shaaca ka qaaday in uu hoos u dhigay rabitaanno kaga yimid kooxaha Chelsea iyo Manchester United si uu isaga sii joogo Byern Munich sanaddii 2009.

33-jirkan ayaa la hardamayay dhaawacyo waqtiyadii lasoo dhaafay laakiin wali waxaa loo tixgaliyaa inuu yahay mid kamid ah ciyaaryahanda ugu fiican Bundesliga, asagoo kaga yimid Merssille £21.5million 10-sano kahor.

Xidigan heerka caalami ee reer France ayay Chelsea u soo bandhitay lacag fara badan oo kaash ah oo lagu daray ciyaaryahan, ayadoo maamulaha ama madaxa Bayern Karl Heinz Rummenigge uu ugu  danbayntii iska diiday yabooh dhan £56m oo lagu daaray Jose Bosingwa.

Ribery ayaa qirtay inuu diidmo cad ku sameeyay fursad uu ugu biiri karay Chelsea, si lamid ah xiise kaga imaanayay Manchester United iyo murqa waynta reer Spain ee Barcelona iyo Real Madrid, sida ay ku warramayso The Sun.

 

 

Ribery ayaa Kicker u sheegay: “Dabcan waxaan ka fakaray wax ku saabsan dhaqaaqid intii lagu guda jiray 2008 ama 2009, koox kasta oo wayn way I doonaysay aniga: Juventus, Inter, Milan, Barca, Real, Chelsea, Manchester…

 

“Inta aan ku guda jiro gocashadayda, waa inaan u mahad celiyaa Hoeness and Rummenigge oo igala hadlay aniga inaan halkan baaqi ku ahaado. Halkan waxaan joogaa 10-sano waxaanna ku guulaystay wax walba. Qoyskaygu waxay ku suganyihiin wanaag aniguna waan ku faraxsanahay.

 

“Had iyo jeer waxaan iraahdaa Bayern waa kooxdayda ugu danbaysa ee Europe. Waan ciyaari doonaa ilaa jilibkayga, anqawgayga iyo dhabarkaygu ay iga yiraahdaan ‘joogso’. Haddii uusan dhaawac isoo gaarin, labo ama seddex sano waxaan wali sii ahaan doonaa heer sare.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *