Home » Europe » Champions League » Gareth Bale Oo Seegi Doona Lugta Labaad Ee Bayern Munich, Miyuu Ciyaari Karaa Kulanka El-Clasico?

Gareth Bale Oo Seegi Doona Lugta Labaad Ee Bayern Munich, Miyuu Ciyaari Karaa Kulanka El-Clasico?

Waxaa lagu jiraa isbuucyadii ugu muhiimsanaa xili ciyaareedka Real Madrid madama ay la ciyaari doonto shan maalmood gudahood Bayern Munich iyo Barcelona, sidaas oo ay tahay Gareth Bale ayaan kasoo muuqan karin kulanka Bayern madama uu tarar yar kasoo gaaray muruqa kubka.

Zidane ayaan qatar galin doonin xidigiisa reer Wales, wuxuuna dooran doonaa midkood Isco Alcaron iyo Marco Asensio.

Miyuu Seegi Doona El-Clasico? Ma cada wali inuu seegi karo kulanka El-Clasico, balse warbaahinta Spain waxey isku raaceen in kulanka Bayern uu aad ugu dhaw yahay isla markaana uusan kasoo muuqan karin.

Asensio, Isco iyo Lucas Vazquez ayaa ku dagaalami doona qofkii buuxin lahaa booska Gareth Bale, iyadoo Zidane uu tayeeyay ciyaartoydiisa dhamaan.

Sida jirta ama nuxnuxleynta warbaahinta Spain waxey tahay in Isco oo muujiyay sida uu ugu qalmo safka hore kulankii Sporting Gijon ee shalayto lagu soo bilaabi doono kaas oo goolka guusha farta ka saaray kooxdiisa.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *