Home » Europe » Champions League » Gerardo Martino “Messi Wuu Ka Qayb Qaadan Doonaa Kulanka Caawa Ajax Madaama Uu Caafimaad Qabo”…

Gerardo Martino “Messi Wuu Ka Qayb Qaadan Doonaa Kulanka Caawa Ajax Madaama Uu Caafimaad Qabo”…


Messi

Macalinka kooxda Barcelona Gerardo Tata Martino ayaa si rasmi ah u sheegay in xidigiisa Lionel Messi uu ka qayb qaadan doono kulanka adag ee caawa Barcelona la cayaari doonto naadiga Ajax madaama uu haatan caafimaad qabo, xidiga reer Argentina dhawaanahan wuxuu la daala dhacaayay dhaawac kasoo gaaray muruqa tartankii Super Cup-ka Spain sidaa darteed xidigab ma awoodi inuu labo kulan oo xariir ah 90-daqiiqo cayaaro balse macalin Tata Martino ayaa shir jaraa’id ku sheegay in Messi tijaabo caafimaad la mariyay sidaa darteedna uu ka qayb qaadan karo kulanka Ajax oo ah kulanka ugu horeeyo oo ay Barcelona cayaari doonto koobka horyaalada Yurub xili cayaareedkan.

Macalin Tata oo ka hadlaayo xaalada caafimaad ee Messi wuxuu yiri “Lio wuxuu ka mid yahay xidigaha daqiiqadaha ugu yar Barcelona u cayaaray xili cayaareedkan cusub sidaa darteed nasiino buuxdo ayuu qaatay maalmihii ugu dambeesay haatana dhaqaatiirta waxay sheegeen inuu caafimaad qabo sidaa darteed kulanka Ajax sabab uu kaga maqnaan karo ma jirto waxaana rajeynaa inuu naga saacido sidii aan guul ugu bilaabi laheen tartankan madaama aan qayb adag ku jirno” sidoo kale tababare Martino ayaa saxaafada u sheegay in Neymar uu isna cayaarsiin doono kulanka Ajax sidaa darteed xidiga reer Brazil ayaa safan doono markii ugu horeesay koobka horyaalada Yurub madaama uu qaarada Yurub ku cusub yahay.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close