Home » Maxaa Cusub » Gianluigi Buffon Oo Doortay Kooxda Aysan Jeclaan Laheyn Iney Ku Aadaan Quarter Finalka Champions League.

Gianluigi Buffon Oo Doortay Kooxda Aysan Jeclaan Laheyn Iney Ku Aadaan Quarter Finalka Champions League.

Juventus ayaa xalay si awood leh ku gaartay wareega (Quarter finalka) tartanka Champions League markii ay 1-0 ku dhaafeen Porto oo ay isku cel-celis ahaan kaga soo gudbeen (3-0).

Goolhayaha ahna kabtanka Juventus Gianluigi Buffon ayaa shaaca ka qaaday kooxda uusan jeclaan laheyn in lagu aadiyo wareeg sideed dhamaadka wuxuuna doortay kooxda Leicester City oo si soo laabasho leh kaga soo baxday Seville.

Foxes waxey kusoo qasaareen Spain bishii hore markaas oo 2-1 lagu soo suldaaray, balse gurigooda ayey ku awood sheegteen 2-0 taasoo keentay iney kamid noqdaan kooxaha ku sugan Quarter final-ka.

Si kastaba Buffon wuxuu aaminsan yahay in Leicester City ay taqaano sida loo dhibaateeyo kooxaha waaweyn isla markaana uusan jeclaan laheyn in lagu beego.

Inkastoo ay joogaan Barcelona, Real Madrid, Bayern Munich iyo Dortmund, hadana kabtanka wuxuu doortay Leicester City iney tahay mid qatarteeda leh.

“Kooxda kaliya ee aan dooneyno inaan ka badbaadno isku aadka waa Leicester City” ayuu yiri Buffon oo la hadlayay Premium Sport.

“Waxey leeyahiin xamaasad, waxey yaqaanaan sida loo dhaawaco kooxaha waaweynm wey na qabsan karaan wax walba oo aan ku lumino hortooda”

Isku aadka waxaa la qaban doonaa jimcaha, waxaana la ogaan doonaa kooxaha isku aaday walow la fili doono kulamo waaweyn.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *