Home » Horyaalada » Go On: Son Heung-Min Oo Rikoor Cusub U Dhigay Horyaalka Premier League

Go On: Son Heung-Min Oo Rikoor Cusub U Dhigay Horyaalka Premier League

xidiga kooxda Tottenham Son Heung-Min ayaa rikoor cusub u dhigay horyaalka premier league kaasoo noqday xidiga ugu horeeyay ee South Korean kasoo jeeda oo 10-goal  hal xili ciyaareyd gudihiis ku dhaliya.

24-sano jirkan oo Spurs uga yimid kooxda Bayer Leverkusen sanadii 2015, kaasoo labo jeer shabaqa soo taabtay kulankii ay wajaheen kooxda Watford.

 

rikoorka ayaa yimid ka dib markii uu qeybta hore shabaqa soo taabtay kaasoo mar kale shabaqa soo taabtay waxeyna ugu dhigantahay in uu seddex jeer oo xiirir ah uu gool dhalinayo kaasoo hore Swansea iyo Burnley goolal kasoo dhaliyay.

 

Son ayaa 15-jeer shabaqa gaaray horyaalka premier league tan iyo markii uu Spurs kusoo biiray wuxuuna dhamaantartamda ka dhaliyay 18-goal 39-kulan uu garoomada kasoo muuqday.

Tottwenham ayaa ku adkaatay 4-o kulnkii ay la ciyaartay kooxda Watford waxeyna goolasaha ugu mahad celinaysaa Delli Alli, Eric Dier iyo labo gool oo Son ah.

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *