Home » Europe » Gooldhaliyaha Ugu Sareeya, Wadanka Ugu Goolasha Badan & Xaqiiqooyin Ku Saabsan Isreeb-reebka Koobka Aduunka 2018-ka Ee Wadamada Yurub.

Gooldhaliyaha Ugu Sareeya, Wadanka Ugu Goolasha Badan & Xaqiiqooyin Ku Saabsan Isreeb-reebka Koobka Aduunka 2018-ka Ee Wadamada Yurub.

Isreeb-reebka koobka Aduunka wadamada qaaradda yurub ayaa socda iyadoo xul walba uu isku dayayo inuu ugu dambeyn gaaro Russia oo ah halka uu ka dhacayo koobka Aduunka 2018 markaas oo 32-dal oo ay uu ka mid yahay xulka martigalinaya wada baratami doonaan.

Dhamaan qaaradaha kala duwan waa laga ciyaarayaa isreeb-reebka koobka Aduunka, balse xiriirka qaaradda yurub ee UEFA ayaa website-kooda gaarka ah kusoo bandhigay xogo ku saabsan dhamaan kulamadii dhacay.

KULAMADA LA CIYAARAY:

Guud ahaan waxaa la ciyaaray 135-kulan, waxaana guud ahaan laga doonayaa in la ciyaaro 270-kulan sida la qorsheeyay waqtigii isku aadka, waxaana la dhaliyay ilaa iyo hadda 400-gool.

Waxey ka dhigan tahay in 31-daqiiqo walba gool la dhalinayay, sidoo kalana ka dhigan in kulankiiba la dhalinayay 2.96 (waa wax u dhaw sadex gool).

WAQTIYADA LA DHALIYAY GOOLASHA:

Guud ahaan goolasha la kala dhaliyay waxaa lasoo calaameeyay daqiiqadaha la dhaliyay goolasha ugu badan waxey noqdeen inta u dhaxeyso 76 ilaa 90-daqiiqo madama la dhaliyay waqtigaas 72-gool.

Daqiiqadaha 1 ilaa 15 – Waxaa la dhaliyay 56-gool

Daqiiqadaha 16 ilaa 30 – Waxaa la dhaliyay 60-gool

Daqiiqadaha 31 ilaa 45 – Waxaa la dhaliyay 64-gool

Daqiiqadaha 45 + = Waxaa la dhaliyay 6-gool

Daqiiqadaha 46 ilaa 60 – Waxaa la dhaliyay 64-gool

Daqiiqadaha 61 ilaa 75 – Waxaa la dhaliyay 55-gool

Daqiiqadaha 67 ilaa 90 – Waxaa la dhaliyay 72-gool

Daqiiqadaha 90 + = Waxaa la dhaliyay 23-gool.

XULALKA IYO WAXQABADKOODA:

BASS COMPLETED: Xulka Spain [La Roja] ayaa ah kan ugu badan ee baasaska dhameystiray waxaana lasoo calaameeyay in 93% ay sameeyeen baasas dhameystiran. Jarmalka ayaa kusoo xiga 92%, halka France ay yahiin xulka sadexaad 90%, England ayaana ah booska afaraad 90%.

POSSESSION: Dhanka kale England ayaa noqday xulka ugu badan ee kubadda heysta markii lasoo calaameeyay in 68% ay kubadda heysteen waxaana la mid ah Spain, halka Jarmalka ay heleen 67%.

GOAL ATTEMP: Gool in la isku dayo waa waxa ugu badan ee dadaalka lagu bixiyo Portugal ayaana ah xulka ugu badan ee baadi goobay gool 130-kubad ayeyna isku dayeen.

Jarmalka ayaa kusoo xiga oo 112-jeer isku dayay, halka Belgium ay isku dayeen 102-jeer.

GOALS: Goolasha ay dhaliyeen xulalka kan ugu badan waa Belgium oo heysta weerarka ugu fiican ama kooxda ugu fiican markey noqoto goolal in la dhaliyo 22-gool ayey dhaliyeen.

Jarmalka ayaa dhaliyay 20-gool, halka Portugal ay dhaliyeen 19-gool si la mid ah Spain [19-gool], waaana kusoo xiga Italy oo dhalisay 13-gool qura.

XOGAHA CIYAARTOYDA:

Xogaha laga diyaariyay ciyaartoyda waa afar qeybood: Gooldhalinta, Caawinta, Baasaska Dhameytiran iyo Badbaadada.

GOOLDHALINTA:

Cristiano Ronaldo [Portugal 9-gool]

Robert Lewandowski [Poland, 8-gool]

Romelu Lukaku [Belgium, 6-gool]

Thomas Müller [Germany, 5-gool]

André Silva [Portugal, 5-gool]

CAAWINTA:

Duscan Tadic [Serbia 7-caawin]

Mirelam Pjanic [Bosnia, 6-caawin]

Dries Mertens [Belgium, 5-caawin]

Thomas Müller [Germany, 4-caawin]

Ricardo Quaresma [Portugal, 4-caawin]

BAASASKA DHAMEYSTIRAN:

Sergio Busquets [Spain 405-baas]

Mats Hummels [Germany, 399-baas]

David Silva [Spain, 388-baas]

Koke [Spain, 386-baas]

Semi Khedira [Germany, 386-baasl]

BADBAADINTA:

Aldo Simoncini [San Marino, 40-badbaado]

Arsen Beglaryan [Armenia, 30-badbaado]

Peter Jehle [Liechtenstein, 30-badbaado]

Ernestas Setkus [Lithuania, 26-badbaado]

Kostas Panayi [Cyprus, 24-badbaado]

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *