Home » Horyaalada » Gudiga FA-ga Oo Maanta U Codeynaya Hadii Talaabo Laga Qaadi Doono Ciyaartoyda Istuura Si Ay Faa’ido Cadaalad Darro Ah Ugu Keenaan Kooxahooda.

Gudiga FA-ga Oo Maanta U Codeynaya Hadii Talaabo Laga Qaadi Doono Ciyaartoyda Istuura Si Ay Faa’ido Cadaalad Darro Ah Ugu Keenaan Kooxahooda.

Gudiga FA-ga Ingiriiska ayaa la rajeynayaa in maanta oo khamiis ah ay u codeeyaan isbadal dhanka sharciga ah oo imaan doona kaas oo ah in la ganaaxi karo ciyaartoygii loo arko inuu qiyaanay garsoorka ama istuuray xili ciayareedka soo aadan.

Marka la eego soojeedinta laga wada hadli doono waaxey tahay, ciyaariyahanka ku guuleysta inuu khiyaamo garsoore isla markaana ku hela natiijo cadaalad darro ah inuu wajahayo talaabo dhanka aqlaaqda ah.

FA-ga ayaa socdaal xaqiiqo raadin ah ku tagaya Scotland, halkaas oo durba laga dhaqan galiyay sharcigaan iyadoo ciyaartoyda horyaalka Scotish Premier League ka ciyaara lagu soo rogaa ganaax 2-kulan hadii lagu helo fal ah iney kooxdooda natiijo cadaalad darro ah ku heshay is tuur uu sameeyay.

Hadii soo jeedintaan loo codeeyo in la dhaqan galiyo, waxaa si dhaqso ah loo hawl galin doonaa sadex quburo ayaa daraasad ku sameyn doona cadeymaha muuqaalka iyo ficilada dooda dhaliya.

Kuwaas oo leh awood ay ku ganaaxi karaan ciyaartoyda kuwaas oo lagu helo iney sameeyaan ficilkaan foosha xun.

Ciyaariyahankee is leedahay wuu la kulmi doonaa ganaaxa ugu badan hadii laga dhaqan galiyo Premier League? Fikirkaaga hoos noogu soo qor.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *