Home » Europe » Guurka Qarniga! Yaa La Casuumay? Faah-Faahino Hordhac Ah Oo Laga Helayo Arooska Lionel Messi Iyo Antonella Roccuzzo.

Guurka Qarniga! Yaa La Casuumay? Faah-Faahino Hordhac Ah Oo Laga Helayo Arooska Lionel Messi Iyo Antonella Roccuzzo.

Weeraryahanka Barcelona Lionel Messi ayaa guursan doona dhawaan gabadha ay waqtigoodii yaraanta is calmadeen ee Antonella Roccuzzo taasoo haatan u heysa laba caruur ah sida qorshuhu ahaa guurkooda oo lagu sheegay inuu yahay kan qarniga wuxuu dhici doonaa 30-ka June.

Image result for Lionel Messi and Antonella Roccuzzo

Xafladda Guurka waxey ka dhici doontaa Hotel Pullman oo ku yaala bartamaha magaalada Rosario ee wadanka Argentina halkaas oo ku dhawaad 250 qol oo hotel-ka ka mid ah loo kireyn doono martida soo xaadireysa xafladda.

Wali waa sir lamana oga shaqsiyaadka sida rasmiga ah loo casuumay, balse waxaa la xaqiijiyay in 21-ka xidig ee Barcelona safka hore ka ah ay dhamaan soo xaadiri doonaan isla markaana ay heli doonaan kaararka aqoonsiga.

Related image

In badan oo ka mid ah xubnaha Barcelona ayaa ayaa iyagana la casuumi doonaa laga soo bilaabo ka warqabaha agabka ilaa macalimiinta jirdhiska.

Luis Enrique, Juan Carlos Unzue, Joaquin Valdes, Robert Moreno iyo Rafel Pol ayaan la fileynin in la casuumo oo ay soo xaadiraan.

Goobta waxaa lagu casuumi doonaa kooxda heesaha caanka ku ah ee dalka Uruguay Rombay, waxaana arintaas u xilsaaran oo soo dhameynaya weeraryahanka Barcelona Luis Suarez kaas oo xiriir dhaw la leh kooxda.

Sergio Aguero gacalisadiisa La Princesita Karina ayaa iyadana lagu soo xan waramayaa iney kasoo muuqato xafladda waana fanaanad reer Argentina ah.

Ganacsadaha caanka ah ee Berbara Diez ayaa ahaa qofka sida rasmiga ah qorsheeyay arooskaan ku yimid dooqa lamaanaha balse gacmahiisa kuma jiraan wax walba wuxuuna u xilsaaray Farina-Pavia iney dabaal dagga iyo qaabeynta arooska gacan weyn ka geystaan.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *