Home » Maxaa Cusub » Hadalkii Uu Ibrahimovic Ku Yiri Ciyaartoyda Man United Kulankii Anderletch Oo La Ogaaday & Jamaahiirta Waxa Ay Ka Dhaheen.

Hadalkii Uu Ibrahimovic Ku Yiri Ciyaartoyda Man United Kulankii Anderletch Oo La Ogaaday & Jamaahiirta Waxa Ay Ka Dhaheen.

Zlatan Ibrahimovic ayaa dhiirigaliyay xidigaha Manchester United waqtigii ay u dabaal dagayeen goolka uu hogaanka ugu dhiibay kooxda Henrikh Mkhitaryan ciyaartii ay xalay barbaraha la galeen Anderletch.

Red Devils ayaa barbaro 1-1 ah la gashay Anderletch iyadoo marti ku ah Belgium-ka, waxeyna daqiiqadii 37-aad goolkooda ka heleen Mkhitaryan oo ka faa’ideystay kubad laga badbaadiyay Rashford.

Si kastaba Jamaahiirta Red Devils ayaa aad u hadal qaaday hadalada kabtankii hore qaranka Sweden iyagoo ku tilmaamay kabtan aan xirneyn calaamadda xushmadda.

“Waxaan u baahanahay inaan wax badan sameyno” ayuu Zlatan u sheegay xidig walba oo United ah intii dabaal dagga uu socday, kaamirooyink BT ayaana fududeeyay in qof walba uu fahmo macnaha afkala qaadka Ibrahimovic.

Waxey aheyd arinta ay aadka u hadal hayeen Jamaahiirta Red Devils, xilli xidigii hore PSG uu ka mid noqday 6-da xidig ee u tartamaya abaalmarinta xidiga xilli ciyaareedka horyaalka Premier League oo ay bixiyaan ururka xirfadlayaasha kubadda cagta.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *