Home » Horyaalada » Halyeyga Reer Brazil Ronaldinho Oo Kasoo Muuqan Doona Kulanka El-Clasico.

Halyeyga Reer Brazil Ronaldinho Oo Kasoo Muuqan Doona Kulanka El-Clasico.

Halyeyga qaranka Brazil waqtina kasoo muuqday kooxda Barcelona Ronaldinho ayaa kasoo muuqan doona kulanka El-Clasico.

Ka hor inta aysan Jamaahiirta Balaugrana iyo kuwa Los Blancos la fajacin arinkaan ma ahan wax ku saabsan kulanka 23-ka bishaan dhexmari doona labada kooxood ee Real Madrid iyo Barcelona, ee 37-jirkaan wuxuu kasoo muuqan doonaa kulanak El-Clasico ee 28-ka April dhexmari doona halyeeyada labada kooxood kana dhici doona wadanka Lebanon.

Ronaldinho oo shan sano oo qaali ah ku qaatay garoonka Camp Nou, ayaa dib ugu soo laabtay kooxda Catalan tan iyo 2008 madama loo magacaabay safiirka kooxda Barcelona taasna waxey u sahleysaa inuu ciyaaro kulanka El-Clasico ee halyeeyada.

Mudadiisa Barcelona wuxuu ku guuleystay Champions League, 2-Horyaal oo La Liga ah, sidoo kalana wuxuu ku guuleystay Ballon d’Or.

 

Waxey aheyd dareen qiiro leh markii ay Jamaahiirta Barcelona usoo joogeen kulankii ugu dambeeyay oo uu u safto kooxdiisa 9-sano ka hor, balse mar kale ayey maaliyadda kooxda ku arki doonaan dhamaadka bishaan.

Halyeeyada Barcelona ee kulankaan ka qeyb galaya waxaa ka mid ah:  Angoy, Guzmán, Zambrotta, Juan Carlos, Popescu, Belletti, Abidal, Nadal, Edmílson, Goikoetxea, Mendieta, Davids, Giuly, Julio Salinas, Luis García iyo Simao Sabrosa.

Dhanka Madrid waxaa kulankaan kaga qeyb galaya: César, Pavón, Julio Llorente, Amavisca, Savio, De la Red, Morientes, Roberto Carlos, Fernando Sanz iyo Karembeu.

Ugu dambeyntiina Ronaldinho wuxuu kasoo muuqan doonaa kulamada labada ah ee ay Barcelona la ciyaareyso Man United, 30-ka June ayuu kulanka hore ka dhici doonaa Camp Nou halka 2-da September la isku arki doono Old Trafford.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *