Home » Horyaalada » Harry Kane oo la wareegay hogaanka gooldhalinta horyaalka EPL xilli uu ka sarre maray Romelu Lukaku

Harry Kane oo la wareegay hogaanka gooldhalinta horyaalka EPL xilli uu ka sarre maray Romelu Lukaku

Weeraryahanka kooxda Tottenham Hotspur Harry Kane ayaa daaha ka qaaday in ujeedkiisu uu yahay inuu dhaliyo 30 gool oo horyaalka England Premier League ah markii ugu horreysay xirfaddiisa kubadda cagta.

Gooldhaliyaha heerka caalami ee dalka England ayaa dhaliyey afar gool iyadoo kooxdiisa Tottenham ay 6-1 ku xaaqday Leicester City ciyaar dhacday Khamiistii.

Xiddiga Tottenham ayaana daaha ka qaaday inuu doonayo inuu afar gool oo kale ka dhaliyo kooxda Hull City maalinta ugu dambeysa xilli ciyaareedkaan 2016 illaa 2017 ee horyaalka England Premier League si uu u gaaro goolkiisii 30aad.

Kane haatan wuxuu dhaliyey 26 gool oo horyaalka EPL ah, wuxuuna laba gool ka sarre maray xiddiga kooxda Everton Romelu Lukaku loolanka loogu jiro abaalmarinta Kobta Dahabka ah ee gooldhalinta horyaalka Ingiriiska.

Guuldarradii 6-1 aheyd ee ku dhacday kooxda tababare Craig Shakespeare ciyaartii lagu dheelay King Power Stadium, ayaa ka dhigan inay tahay middii labaad ee ugu cusleyd ee ku dhacday koox difaacaneysa koobka Premier League sidaas oo kale Manchester City ayaa 6-1 ku xaaqday deriskeeda Manchester United kulan dhexmaray sannadkii 2011kii.

Hadda Kane ayaa ugu sarreeya gooldhalinta horyaalka EPL isagoo leh 26 gool. 
 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *