Home » Horyaalada » Hazard Oo Seegi Kara Kulanka Stoke City & Taageerayaasha Chelsea Oo Aaaminsan In Xidigan Dhaawaceen Xidigaha Man United

Hazard Oo Seegi Kara Kulanka Stoke City & Taageerayaasha Chelsea Oo Aaaminsan In Xidigan Dhaawaceen Xidigaha Man United

Jamaahiirta Chelsea ayaa ka walaacsan wararka xanta ah ee sheegaya in Eden Hazard uu seegi doono kulanka ay maanta la leeyahiin Stoke City xilli Blues ay dooneyso iney si awood leh 13-dhibcood ugu qabato hogaanka horyaalka Premier League.

Wariyaha reer Belgium Kristof Terreur ayaa bartiisa twitter-ka kusoo qoray in Eden Hazard uusan la safrin kooxda inteeda kale isla markaana uu qaabo dhaawac.

Sida la aaminsan yahay qaranka Belgium-ka wuxuu aad uga walwalsan yahay xaaladda xidigaan heerka caalami madama maalmaha nagu soo foolka leh ay la ciyaari doonaan Greece iyo Russia.

Warkaan aan wanaagsaneen ayaa imaanaya xilli Blues ay ku hamineyso iney goor horaba soo afjarto loolanka loogu jiro horyaalka.

Dhanka kale Jamaahiirta Blues ayaa barta twitter-ka ku dhaleeceeyay ciyaartoyda Manchester United kuwaas oo ay aaminsan yahiin iney dhibaateeyeen.

Ciyaartoyda Manchester United ayaa aad u beegsanayay Eden Hazard kulankii ay isniintii qasaaraha kala kulmeen Blues kulan ka tirsan FA Cup, balse ma cada hadii uu sababsaday xanuunkas.

Benjamin Aido – wuxuu soo qoray: “Wuxuu u muuqdaa Hazard mid la xanuunsanaya dhaawac yar sababtoo ah xeeladahii rugby-ga oo uu wajahay kulankii isniintii”

Ali ayaa isna soo qoray: “Jose iyo Ciyaartoyda Blues waxey ku guuleysteen iney dhaawacaan Hazard, maanta ma ciyaarayo, balse guul iyo guuldaro, Blues 1 ayey ahaaneysaa, halka United ay 6 ahaaneyso.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *