Home » Falanqeynta » Hordhac: Arsenal vs West Ham – Wenger Oo Raadineya Wadadii Guusha & Inuu Ka Baxo Booska 6-aad.

Hordhac: Arsenal vs West Ham – Wenger Oo Raadineya Wadadii Guusha & Inuu Ka Baxo Booska 6-aad.

Arsenal ayaa dooneysa iney kasoo baxdo booska 6-aad ee kala sareynta horyaalka kuna wareejiso kooxdii xili ciyaareedkaan mudada ugu badan ku qasaarisay ee Manchester United taasoo barbardhac dirqi ah ka heshay Everton kulankii Old Trafford.

Gunners labadii kulan ee ugu dambeysay wax guul ah ma gaarin madama ay guuldaro kala kulantay West Brom, sidoo kalana ay barbaro gurigeeda kula gashay Manchester City.

Sidoo kale kooxda waxey dagaal u gali doontaa sidii ay ugu dhameysan laheyd afarta ugu sareysa xili ciyaareedkaan si aysan u seegin koobka Champions League.

Jamaahiirta Arsenal ayaa sii xoojiyay dibad baxyada ay kaga horjeedaan Arsene Wenger iyagoo shalay markii ugu horeysa lagu sawiray xerada tababarka kooxda.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Arsenal vs West Ham

Tartanka: Premier League

Garoonka: Emirates Stadium

Garsoore: Martin Atkinson (England)

Saacadda: 9:45 Habeenimo (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Diafro Sakho ayaa kusoo laaban kara shaxda Hammers kadib waqti badan oo uu garoomada ka maqnaa, balse Aaron Cresswell ayaan kasoo muuqan doonin kulamada soo aadan.

Winston Reid, Angelo Ogbonna iyo Pedro Obiang ayaa dhamaan ka maqan West Ham, kuwaas oo ugu yaraan seegi kara ina ka dhiman xili ciyaareedka.

Dhanka kale Arsenal ayaa rajeyneysa in OX iyo Ramsey ay dib usoo laabtaan, balse Lucas Perez iyo Koscielny ma ciyaari doonaan kulankaan.

Per Mertesacker ayaa xaadir ah iyadoo Cech uu dhaawac ku maqan yahay.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Slaven Bilic ayaa noqon kara macalinkii sadexaad ee laba kulan oo xiriir ah ku garaaca Arsenal garoonkooda kulamada horyaalka waxaana kaga horeeyay Ron Atkinson iyo Guus Hiddink

Alexis Sanchez ayaa dhaliyay 4-gool sidoo kalana caawiyay hal gool, labadii kulan ee ugu dambeysay oo uu wajahay West Ham, waxaana ku jirta sadexley uu ka dhaliyay xili ciyaareedkaan kulankii hore.

Andy Carroll ayaa ka dhaliyay shan gool Arsenal, mana jirto koox uu ka dhaliyay in ka badan dhamaan kooxaha kale ee tartankaan, sidoo kale Man City iyo Swansea ayaa la mid ah (min 5 gool).

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Arsenal:

Ospina; Bellerin, Mustafi, Paulista, Monreal; Xhaka, Coquelin; Walcott, Ozil, Sanchez; Giroud.

West Ham United:

Randolph; Byram, Collins, Fonte, Masuaku; Noble, Kouyate; Antonio, Lanzini, Snodgrass; Carroll.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *