Home » Horyaalada » La Liga Spain » Hordhac: Barcelona vs Real Sociedad: Balaugrana Oo Dooneysa Iney Kasoo Kabsato Guuldarooyinkii Ugu Dambeeyay.

Hordhac: Barcelona vs Real Sociedad: Balaugrana Oo Dooneysa Iney Kasoo Kabsato Guuldarooyinkii Ugu Dambeeyay.

Barcelona ayaa caawa soo dhaweyneysa Real Soceidad iyadoo dhexda kaga jirta dhibaato baahsan oo dhan walba leh, laba guuldaro oo xiriir ah ayaa soo gaartay 6-maalmood gudahod waxaana shabaqooda la gaarsiiyay 5-gool.

Balaugrana waxey u baahan tahay iney kulanka Real Sociedad dareen xoog leh siiso madama uu horyaalka La Liga kasii fakan doono hadii ay lumiyaan, sidoo kalana kulanka lugta labaad ee Juventus iney taxadar siiyaan isna waa u muhiim.

Si kastaba Enrique ayaa laga doonayaa sida uu u maareeyo kooxdiisa, walow Balaugrana aysan rikoor xun ka heysan kulamada ay Sociedad gurigeeda kusoo dhaweyso.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Barcelona vs Real Sociedad

Tartanka: La Liga

Garoonka: Camp Nou

Saacadda: 9:45 Habeenimo (XGA)

Garsoore: Juan Martinez (Spain)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Barcelona waxey shaki galineysaa inuu ciyaaro Javier Mascherano oo dhibaato dhaawac ay heyso, waxaana la filayaa inuu ku biiro liiska ciyaartoyda daawaneysa kulankaan ee ka tirsan Balaugrana [Aleix Vidal, Rafinha Alcantara].

Neymar ganaax ayuu ku seegi doonaa halka Turan aan la hubin sida uu u ciyaari karo inkastoo uu tababarka kusoo laabtay.

Real Sociedad waxaa ka maqnaan doona weeraryahankooda Juanmi kaas oo jaalahiisii shanaad qaatay todobaadkii lasoo dhaafay kulankii ay 3-1 kaga badiyeen Sporting Gijon, ma jiro xidig kale oo ay tabi doonaan wiilasha Eusbeio.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Barcelona wax guuldaro ah lama kulmin 18-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay Real Sociedad ku qaabileen gurigooda, 51-gool ayey ka dhaliyeen.

Lionel ayaa dhaliyay 8-gool, sideed kulan oo uu Camp Nou kaga hor yimid Real Sociedad dhamaan tartamada oo dhan.

Barcelona kuma fashilmin iney laba kulan oo xiriir ah kulamada La Liga gool dhalin weyso, markii ugu dambeysay waxey aheyd April 2008, waqtigii Frank Rijkaard.

Sadex jeer ayey kulmeen xili ciyaareedkaan, Barcelona ayaa guul gaartay labadii jeer ee Copa del Rey, balse Sociedad waxey heshay dhibic kulankii La Liga ee dhacay November (1-1).

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Barcelona (4-3-3): ter Stegen; Roberto, Pique, Umtiti, Alba; Busquets, Rakitic, Gomes; Messi, Suarez, Alcacer

Real Sociedad (4-2-3-1): Rulli; Zaldua, Inigo, Navas, Yuri; Illarramendi, Zurutuza; Vela, Prieto, Oyarzabal; Willian

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *