Home » Horyaalada » Hordhac: Barcelona vs Sevilla – Balaugrana Oo Si Kumeel Gaar Ah Ula Wareegi Karta Hogaanka La Liga Hadii Ay Adkaato Caawa.

Hordhac: Barcelona vs Sevilla – Balaugrana Oo Si Kumeel Gaar Ah Ula Wareegi Karta Hogaanka La Liga Hadii Ay Adkaato Caawa.

Barcelona ayaa gurigeeda kusoo dhaweyneysa Sevilla iyadoo todobaadkaan bilowgiisii soo dubatay Granada oo ay marti u ahaayeen, Lionel Messi ayey kooxda Catalan dib u heli doontaa kaas oo ganaax ku waayay safarkii ugu dambeeyay.

Balaugrana haatan waxey 2-dhibcood ka hooseysaa Madrid inkastoo kooxda caasimadda ay kulan u baaqsan tahay, waxey heli kartaa caawa saacado ay hogaanka la wareegto hadii ay guul gaaraan madama saacado kadib ay ciyaareyso Real Madrid oo kulan la leh Leganes.

Ku darso mar walba Real Madrid waxey heysataa kulan baaqi ah kaas oo ay la yeelan doonto kooxda Celta Vigo oo ay marti u noqon doonto.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Barcelona vs Sevilla

Tartanka: La Liga

Garoonka: Camp Nou

Saacadda: 8:30 Fiidnimo (XA)

Garsoore: Carlos Clos (Spain)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Lionel Messi ayaa kasoo laabanaya ganaax, wuxuuna ka dambeyn doonaa weerarka, halka Samuel Umititi iyo Gerard Pique ay qabsan karaan daafaca dhexe ee kooxda madama Enrique la filayo inuu isticmaalo 3-4-3.

Dhanka kale Sergio Escudero ayaa ganaax kasoo laabtay, waxaana la filayaa inuu kusoo bilaaban doono daafaca bidix, Jovetic ayaa dhaawac ku maqan iyadoo Wissam Ben Yedder uu yahay dooqa koowaad.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay kulamada La Liga oo ay is wajaheen Barca iyo Sevilla waxaa la iska dhaliayy 37-gool. (4.1 kulankiiba).

Sevilla waxaa laga dhaliyay 200 gool, 72-kulan oo ay ku ciyaartay kulamada La Liga garoonka Camp Nou, 2.77 isku cel-celis kulankii, kaliya Betis oo (2.9) ku heysata garoonkaas ayaa ka xun kooxaha booqday ugu yaraan 50-jeer garoonkas.

Barcelona ayaa guul gaartay 7-dii kulan ee ugu dambeysay oo ay kulamada La Liga ku ciyaartay gurigeeda si xiriir ah, balse ma dhicin iney 8-kulan guul ku gaaraan Camp Nou tan iyo magacaabista Enrique.

Sevilla afar kulan oo xiriir ah kulamada La Liga wax guul ah ma helin 3-barbaro iyo 1-guularo, waana waqtigii ugu xumaa waayaha Sampaoli ee kooxdaan.

KULANKII UGU DAMBEEYAY:

Sevilla FC 1-2 FC Barcelona – 6th November 2016 – La Liga

Inkastoo uu hogaanka u dhiibay Sevilla xidigooda Vitolo hadana Lionel Messi iyo Luis Suarez ayaa guul gaarsiiyay Balaugrana kulankii dhacay sanadkii hore.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Barcelona (3-4-3): ter Stegen; Mascherano, Umtiti, Pique; Roberto, Rakitic, Busquets, Iniesta; Messi, Suarez, Neymar

Sevilla (4-1-4-1): Rico; Mariano, Pareja, Lenglet, Escudero; N’Zonzi; Sarabia, Nasri, Vazquez, Vitolo; Ben Yedder

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *