Home » Europe » Champions League » Hordhac: Bayern Munich vs Real Madrid: Ancelotti vs Zidane – Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Allianz Arena.

Hordhac: Bayern Munich vs Real Madrid: Ancelotti vs Zidane – Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Allianz Arena.

Bayern Munich ayaa gurigeeda kusoo dhaweyneysa Real Madrid kulan ka tirsan koobka Horyaalada Yurub markaas oo kooxda ka dhisan Allianz Arena ay dooneyso iney ka aargudato Los Blancos oo markii ugu dambeysay ku adkaatay Munich.

Sidoo kale Zidane iyo Ancelotti ayaa iska hor imaanaya kuwas oo wax badan soo wada shaqeeyay, Carlo Ancelotti wuxuu soo maamulay Zidane, sidoo kalana waxey iskala shaqeeyeen Bernabeu, caawana waxey iska salaami doonaan kursiga keydka.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Bayern Munich vs Real Madrid

Tartanka: Champions League, (Quarter Final)

Garoonka: Allianz Arena

Saacadda: 9:45 Habeenimo (XGA)

Garsoore: Nicola Rizzoli (Italy)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Ancelotti war farxad leh ayuu helay madama uu tababarka kusoo laabtay isniintii Manuel Neuer kaas oo qaliin lagu sameeyay dhawaan, Neuer ayaa la filayaa inuu goolka kasoo muuqdo.

Ancelotti wuxuu weynayaa Mats Hummels oo axadii uu dhaawac soo gaaray sidoo kale waxaa shaki la galinayaa Manuel Neuer.

Dhanka kale Real Madrid wax dhibaato sidaas ah ma qabaan, Carvajal ayaa ayaa si kalinimo ah isniintii tababarka u qaatay, waana u diyaar kulanka maanta..

Hadii Caravajal uu dhibaatada ka bixi waayo, Madrid waxey dhexda ka gali doontaa mashaqo kale madama Pepe iyo Varane ay dhaawacyo ku waayeen.

XAQIIQADA KULANKA:

Kulankaan waa midkii 23-aad ee dhexmara labadaan kooxood taariikhda tartankaan European Cup/Champions League, waana midkii 17-aad ee dhexmara waayaha Champions League oo qura, waana rikoor u yaala tartanka.

Robert Lewandowski ayaa gool dhaliyay sadex kulan oo Champions League ah, waligiis afar kulan oo xiriir ah gool ma dhalin.

Real Madrid ayaa lumisay 9-jeer, 11-jeer oo ay Bayern ku booqatay gurigeeda tartamada yurub, 1-barbaro iyo 1-guul ayeyna kasoo qaadatay, balse guusha qura oo ay gaareen waa kulankii ugu dambeeyay, waana guuldaradii ugu xumeyd ee Bavarians-ka soo gaartay (4-0).

Bayern Munich ayaa gaartay Quarter finalka tartanka lix jeer oo xiriri ah, shantii hore oo ay yimaadeen si toos ah ayey ugu gudbeen Semi Finalka.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

BAYERN MUNICH:

Neuer, Lahm, Boateng, Martinez, Alaba, Alonso, Vidal, Robben, Thiago, Ribery, Lewandowski

REAL MADRID:

Navas, Danilo, Nacho, Ramos, Marcelo, Kroos, Casemiro, Modric, Bale, Benzema, Ronaldo

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *