Home » Falanqeynta » Hordhac: Chelsea vs Man City – Antonio vs Pep – Blues-Ka Oo Martigalin Doonan Kulanka Ugu Xiisaha Badan Todobaadka.

Hordhac: Chelsea vs Man City – Antonio vs Pep – Blues-Ka Oo Martigalin Doonan Kulanka Ugu Xiisaha Badan Todobaadka.

Chelsea ayaa u baahan iney kasoo laabato guuldaradii lama filaanka aheyd ee ay Crystal Palace kala kulantay sabtidii waxeyna ku qasban tahay iney garaacdo Manchester City si ay dhinac ugu rido loolanka horyaalka Premier League inkastoo aysan kooxaha kale fursad fiican u aheyn.

Dhanka kale Man City ayaa u baahan guul si ay ugu yaraan u nooleyso hardanka ay ugu jirto iney ku dhameysato afarta ugu sareysa waxeyna mar walba isha ku heyn doonaan natiijooyinka Liberty Stadium (Swansea vs Spurs) iyo kan Anfield (Reds vs Cherries).

Pep Guardiola iyo wiilashiisa waa la hakiyay todobaadkaan madama ay u safreen waqooyiga London, barbaro 2-2 ah ayeyna ku kala baxeen iyaga iyo Arsenal.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Chelsea vs Manchester City

Tartanka: Premier League

Garoonka: Stamford Bridge

Garsoore: Mike Dean (England)

Saacadda: 10:00 Habeenimo (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Chelsea ayaa laga yaabaa iney weyso mar kale Victor Moses iyadoo Conte uu sheegay in xaaladiisa la qiimeyn doono, Eden Hazard oo ciyaaray kulankii Palace isagoo xanuun daremeya ayaa diyaar ah halka David Luiz qudhiisa uu diyaar u yahay ciyaartaan.

Dhanka kale Bacary Sagna ayaa wali ka mqan Pep, balse Zabaleta ayaa diyaar ah isagoo booska daafaca midig ka badali doona Jesus Navas oo kulankii Arsenal kasoo muuqday.

Gabriel Jesus ayaa sidoo kale loo sheegay inuu garoomada kusoo laaban karo ka hor dhamaadka xili ciyaareedka.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Chelsea laba kulan oo xiriir ah oo gurigeeda lagu ciyarayo guuldaro kama qaadan Manchester City kulamada horyaalka tan iyo 1983.

Pep Guardiola waligiis laba jeer guuldaro kalama kulmin koox kasoo horjeeda hal xilli ciyaareed (Minan iyo Marti) waayahiisa tababaranimo.

Kadib sideed guulood oo ay Blues ka gaartay dhigeeda Citizens intii u dhaxeysay 2005 ilaa 2009, Blues haatan kaliya 5-jeer ayey guuleysatay 15-jeer oo ay isku arkeen heerka koowaad ee horyaalka 7-guuldaro iyo 3-barbaro ayaana u dheeri ah.

Waxaa la bixiyay afar casaan, shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay kulamada horyaalka ku kulmaan labadaan kooxood, Sadex ka mid ah ciyaartoyda City ayaa gudoomay.

Sergio Aguero ayaa ka dhaliyay Chelsea lix gool kulamada horyaalka Premier League, 4 ka mid ah wuxu ku dhaliyay Stamford Bridge.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Chelsea:

Courtois; Azpilicueta, Luiz, Cahill; Pedro, Kante, Matic, Alonso; Fabregas, Costa, Hazard

Man City:

Caballero; Zabaleta, Stones, Otamendi, Kolarov; Toure, Fernandinho, De Bruyne, Silva, Sane; Aguero.

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *