Home » Africa » Hordhac: Egypt vs Ghana – Masar Oo Dhibic U Baahan Iyo Black Stars Oo Goor Horre Xaqiijiyay Iney Gaareen Quarter Finalka.

Hordhac: Egypt vs Ghana – Masar Oo Dhibic U Baahan Iyo Black Stars Oo Goor Horre Xaqiijiyay Iney Gaareen Quarter Finalka.

Xulka Black Stars [Ghana] ayaa goor hore xaqiijiyay iney tiigsadeen wareega sideed dhamaadka tartanka AFCON 2017 ee ka soconaya Gabon madama ay laba guulood oo muhiim ah ka heleen xulalka Uganda iyo Mali.

Labada guulood waxey ku kasbadeen min (1-0) waxeyna labada gool kaga mahad celinayaan Andre Ayew iyo Asamoah Gyan, waana labada hogaamiye ee uu leeyahay xulkaan qadiimiga ah.

Masaarida waxey u baahan yahiin dhibic qura si ay u xaqiijiyaan wareega xiga waxeyna kusoo bixi doonaan kaalinta 2-aad hadii ay sidaas sameeyaan ama guul si ay ugu soo baxaan booska 1-aad.

Egypt-vs-Ghana-Match-Preview-Prediction-Africa-Cup-of-Nations-2017-Group-D-25-Jan-2017

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Egypt vs Ghana

Tartanka: African Cup of Nation 2017 – Group D

Saacadda: 10:00 Habeenimo (XGA).

Garoonka:Stade de Port Gentil.

Masaarida waa xulka ugu guulaha badan tartankaan madama ay ku guuleysteen 7-jeer, halka Ghana uusan ka liidan wuxuuna tartankaan AFCON heystaa tiro afar jeer ah.

XAQIIQADA KULANKA:

Waa markii labaad oo ay labadaan xul ku kulmaan koobka African cup of Nation, Egypt ayaana guuleysatay markii ay isku arkeen AFCON 2010, 1-0 ayeyna guusha ku heleen.

Egypt ayaa guuleysatay sadex ka mid ah 6-kulan oo ay labadaan xul is arkeen, 1-barbardhac iyo 2-guuldaro ayeyna heleen xulka Masaarida.

Markii ugu dambeysay oo ay is arkaan waxey aheyd sanadkii hore isreeb-reebka koobka Aduunka Egypt ayaana 2-0 ku adkaatay.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Egypt: (4-2-3-1)

El Hadary – Fathy, Hegazy, Gabr, Abdul Shafy – El Nenny, Hamed – Ramadan, Salah, Trezeguets – Marwan.

Ghana: (4-4-2)

Brimah – Afful, Amartey, Boye, Acheampong – Atsu, Ayew, Wakaso, Partey – Gyan, Ayew.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *