Home » Europe » Europa League » HORDHAC : finalka UEFA Europa League ee kooxaha Ajax iyo Man United, rajada Red Devils ee tartanka UCL oo ku xiran kulankaan

HORDHAC : finalka UEFA Europa League ee kooxaha Ajax iyo Man United, rajada Red Devils ee tartanka UCL oo ku xiran kulankaan

Manchester United iyo Ajax ayaa ku kulmi doona dalka Sweden iyadoo labada kooxood midood loo caleema saari doono kooxda labaad ee ugu fiican yurub madama ay tartanka labaad ee yurub isku hardinayaan kama dambeystiisa.
Manchester United waxey ku raad joogtaa wadadii ay ku imaan laheyd koobka Champions League mana u suuragaleyso hadii ay ku hungowdo hanashada tartankaan, balse Ajax goor hore ayey kusoo baxday iney isreeb-reeb usoo marto tartanka

Daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Manchester United Eric Bailly ayaa ganaax ku seegi doona finalka tartanka UEFA Europa League iyadoo caawa oo Arbaco ah ay kooxdiisa Man Utd ay finalka ku wajaheyso kooxda Ajax.

Daafaca reer Ivory Coast ayaa casaan toos ah loo taagay kulankii lugtii labaad ee semi-finalka Europa League ay ku wajaheen kooxda Celta Vigo, sidaas darteed caawa ma ciyaari doono finalka ka dhacaya caasimadda Stockholm.

KULANKA: Ajax vs. Manchester United
SAACADDA: 9.45pm (Xilliga Geeska Africa)
GAROONKA: Friends Arena – Stockholm
Finalka Tartanka UEFA Europa League

 

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Waa markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 2002 ay koox Holland ah gaarto final-ka UEFA Cup/Europa League (Feyenoord) ayaana ugu dambeysay, United waa kooxdii sadexaad ee England ah taasoo gaarta heerkaan shantii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay (Chelsea 2013 iyo Liverpool 2016) ayaa kaga horeeyay .

Ajax iyo Man United afar jeer ayey ku kulmeen tartamada yurub, min laba guul ayeyna kala heystan, labadii kulan ee ugu horeeyay waxey ka mid ahaayeen UEFA Cup 1976/77 iyo Europa League 2011/2012.

Kani waa final-kii sadexaad oo yurub ah kaas oo kulmiyay kooxo Holland iyo England ah (Spurs vs Feyenoord) 1974 iyo Ipswich vs AZ 1981 labaduna waxey ahaayeen UEFA Cup.

Waa markii ugu horeysay oo muddo 21-sano ah ay Ajax imaaneyso final tartan yurub ah waxaana ugu dambeysay markii ay rigooreyaal koobkii Champions League ku waayeen 1995/96.

22-sano ayaa kasoo wareegatay markii Ajax ay ku guuleysatay Champions League kulankaas waxaa kasoo muuqday Patrick Kulivert iyo Danny Blind oo hadda laba ka mid ah caruurtooda ay ka qeyb galayaan final-kaan Daley Blind (United) iyo Justin Kluivert oo (Ajax) ah.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Ajax:

Onana; Tete, De Ligt, Sanchez, Veltman; Klaassen, Schone, Ziyech; Traore, Dolberg, Younes

Manchester United:

Romero; Valencia, Blind, Jones, Darmian; Herrera, Fellaini, Pogba; Lingard, Rashford, Mkhitaryan

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *