Home » Europe » Champions League » Hordhac: France vs Spain: Ramos vs Mbappe → La Roja Oo Tijaabo Adag Ku Mari Doonta Caawa Magaalada Paris.

Hordhac: France vs Spain: Ramos vs Mbappe → La Roja Oo Tijaabo Adag Ku Mari Doonta Caawa Magaalada Paris.

France ayaa taariikh sameysay kuulankii Luxembourg iyadoo ciyaarta soo galisay Kylian Mbappe kaas oo noqday xidigii ugu da’da yaraa ee garoon u gala xulkiisa 60-kii sano ee lasoo dhaafay.

Xulka uu hogaamiyo Didier Dechamps guul weyn ayey heleen kulankii ay martida u ahaayeen Luxemburg iyagoo sii dheereystay hogaanka group-kooda ee isreeb-reebka.

Dhanka kale Spain iyaguna guul qurux badan ayey ka gaareen Isreal markaas oo ay 4-1 ku garaaceen, balse wali waxey dhanka dhibcaha group-ka barbaro la yahiin Azzurri inkastoo ay goolal kaga sareeyaan.

MAXAA KA CUSUB LABADA XUL?

Spain iyo France waxey kulmeen 34-jeer, Spain ayaana ah xulka guulaha badan kaas oo adkaaday 15-jeer, halka France ay adkaatay kaliya 12-jeer, 7-jeerna barbaro ayey galeen.

France ma qabaan wax dhaawac cusub ah, balse laba ama sadex ugu yaraan badal ayuu Dechamps ku sameyn doonaa shaxdii uu ku wajahay Luxembourg.

Layvin Kurzawa ayaa rajeynaya inuu badalo Benjamin Mendy, halka Florian Thauvin ay macquul tahay inuu meesha ka saaro Ousmane Dembele, halka Giroud ay macquul tahay inuu kursiga galo si fursad loo siiyo Mbappe.

Dhanka kale Isco ayaa macquul ah inuu kusoo bilowdo kulankaan kadib bandhigiisii cajiibka lahaa ee kulankii Isreal, sidoo kalana Diego Costa ayey macquul tahay inuu nasiyo macalinka madama uu qabo jug taasoo fursad siin karta Alvaro Morata.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Labadaan xul wax guuldaro ah lama kulmin 7-dii kulan ee ugu dambeeyay.

France ayaa guuleysatay 9-ka mid ah 10-kulan oo ay ku ciyaartay gurigeeda.

Spain ayaan u xooganeyn sida gurigeeda markey banaanka jirto 4-guul, 4-barbaro iyo 2-guuldaro ayeyna soo xambaareen 10-kii kulan ee ugu dambeeyay.

Kylian Mbappe ayaa noqon kara faransiiskii ugu da’da yaraa ee kusoo bilowda kulan hadii uu caawa Dechamps u doorto inuu kusoo hormaro garoonka.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

France:

Lloris; Sidibe, Umtiti, Koscielny, Kurzawa; Matuidi, Kante; Thauvin, Griezmann, Payet; Giroud.

Spain:

De Gea; Carvajal, Pique, Ramos, Alba; Isco, Busquets, Koke; Pedro, Morata, Silva.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *