Home » Horyaalada » italian Serie A » Hordhac: Inter Milan vs Ac Milan – Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Derby della Madonnina Ee Maanta.

Hordhac: Inter Milan vs Ac Milan – Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Derby della Madonnina Ee Maanta.

Inter Milan iyo Ac Milan ayaa markii ugu horeysay wada ciyaaraya iyadoo Milan ay ka madax banaan tahay Silvio Berlusconi, madama shalayto la dhameystiray iibka kooxda camaaliqada ah ee reer talyaani.

Kulankii ugu dambeeyay ee ay labada kooxood isla garoonkooda ku kulmaan markaas oo marti loo ahaa Ac Milan wuxuu ku dhamaaday 2-2, Ivan Perisic ayaana waqtigii dhimashada guuldaro ka badbaadiyay Inter waxeyna aheyd November sanadkii hore.

Inkastoo Inter aysan ku nafcin sanadkii ugu horeeyay ee gacanta shisheeye, hadana Milan waxey filaneysaa iney ku najaxdo hogaanka cusub ee reer China.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Inter Milan vs Ac Milan

Tartanka: SERIE A

Garonka: Giuseppe Meazza

Saacadda: 1:30 Duhurnimo (XGA)

Garsoore: Daniele Orsato (Italy)

WARARKA LABADA KOOXOOD?

Da’yarka Inter Milan aya amaahda ku heysato ee Roberto Gagliardini ayaa shaki la galinayaa inuu ciyaaro, Stefano Pioli ayaana laga sugayaa sida uu u doorto xidigiisa, ma jiraan dhibaato kale oo ay qabaan ciyaartoyda Nerazzurri.

Ac Milan waxey weyneysaa ciyaartoy badan Riccardo Montolivo, Ignazio Abate iyo Andrea Bertolacci, balse sidoo kale waxey weynayaan hogaamiyahooda ugu fiican Giacomo Bonaventura oo ilaa dhamaadka xili ciyaareedka maqnaan doona.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankaan waa midkii 218-aad ee dhexmara labadaan kooxood dhamaan tartamada oo dhan, Inter Milan ayaa guul gaartay 77-jeer, halka Milan ay guul heshay 75-jeer, 65-jeerna barbaro ayey galeen.

AC Milan ayaa shabaqa taabaneysay mid walba oo ka mid ah 9-kii kulan e ugu dambeeyay kulamada horyaalka, markii ugu dambeysay oo ay 10-kulan oo xiriri ah shabaqa gaarto waxey aheyd October 2013.

Inter Milan iyo Ac Milan ayaa laga dhaliyay goolasha madaxa ah kuwa ugu yar xili ciyaareedkaan horyaalka talyaaniga (min sadex).

Sideedii kulan ee ugu dambeeyay ee ay kulmaan Inter Iyo Ac, wuxuu ku dhamaaday si miisaan ah min 2-guulood iyo 4-barbaro.

Waa markii ugu horeysay oo kulanka Derby della Madonnina la ciyaarayo waqtiga qadada (12:30 Waqtiga Italy).

Inter Milan ayaa laga dhaliyay 11-gool, lixdii kulan ee ugu dambeysay, kadib markii sadex gool kaliya laga dhaliyay 10-kii kulan ee ka horeysay.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Inter Milan (4-2-3-1): Handanovic; D’Ambrosio, Medel, Miranda, Ansaldi; Gagliardini, Kondogbia; Candreva, Banega, Perisic; Icardi

AC Milan (4-3-3): Donnarumma; Calabria, Romagnoli, Zapata/Paletta, De Sciglio; Locatelli/Mati, Sosa, Kucka; Suso, Bacca, Deulofeu.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *