Home » Europe » Champions League » Hordhac: Juventus vs FC Porto – Marwada Duqda Ah Oo ku Dhow Ineey Iska Xaadiriso Wareega 8-Dhamaadka Ee Champions League Caawa

Hordhac: Juventus vs FC Porto – Marwada Duqda Ah Oo ku Dhow Ineey Iska Xaadiriso Wareega 8-Dhamaadka Ee Champions League Caawa

Kulanka: Juventus v FC Porto

Lugtii koowaad: FC Porto 0-2 Juventus

Garoonka: Juventus Stadium

Waqtiga: 10:45pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Ovidiu Hategan

Kooxda Juventus ayaa 2-0 kaga soo badisay FC Porto kulankii Portugal ka dhacay, waxaana ay caawa lugta labaad ee wareega 16ka Champions League ay ku soo dhaweyn doonaan garoonka Juventus Stadium.

Xiddigaha bedelka ku soo galay Pjaca iyo Alves ayaa 20kii daqiiqo ee ugu danbeysay ee ciyaartii Portugal shaliyay goolasha Juventus.
Juve ayaa bartilmaameedsaneysa inay u soo baxdo markii 10aad wareega 8da ee Champions League laakiin waxa u noqon doontaa markii seddexaad ee ay u soo gudbaan wareega sideeda todobadii jeer ee ugu danebysay ee ay isku dayeen.

MAXAA KA CUSUB?

Kooxda Juventus waxaa shaki kaga jira caawa inay safi karaan daafacooda Chiellini kaasoo dhibaato ka qaba muruqa bowdada halka uu kulankaan ku seegay xanuun caloosha ah Sturaro.

Dhanka kooxda FC Porto waxaa ganaax kaga maqan Telles laakiin ma jiraan ciyaartoy dhaawac ka ah oo seegaya kulanka caawa ee magaalada Turin.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Juventus: Buffon; Lichtsteiner, Barzagli, Bonucci, Alex Sandro; Marchisio, Khedira; Cuadrado, Dybala, Mandžukić; Higuaín.

Porto: Casillas; Maxi Pereira, Marcano, Felipe, Layún; Danilo, André André, Óliver Torres; Brahimi, André Silva, Soares.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *