Home » Falanqeynta » Hordhac: Las Palmas vs Barcelona – Balaugrana Oo Wali U Baahan Iney U Dagaalanto Hanashada La Liga.

Hordhac: Las Palmas vs Barcelona – Balaugrana Oo Wali U Baahan Iney U Dagaalanto Hanashada La Liga.

Barcelona caawa waa marti waana kulanka 37-aad ee horyaalka La Liga xili ciyaareedkaan, guul ayaa u muhiim ah si ay cadaadiska ugu sii kordhiso Real Madrid oo iyana caawa Santiago Bernabeu kusoo dhaweyneysa Sevilla.

Balaugrana guul ay gaarto uma wanaagsana Los Blancos madama la isla gaari doono ilaa maalinta ugu dambeysa horyaalka.

Barcelona faa’iido badan ayey qabi doontaa hadii Real Madrid ay ku fashilanto iney caawa garaacdo Sevilla iyana ay guul kasoo gaarto Las Palmas.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Las Paslmas vs Barcelona

Tartanka: La Liga

Garoonka: Estadio de Gran Canaria

Saacadda: 9:00 Habeenimo (XGA)

Garsoore: Jose Luis Gonzalez (Spain)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

LAS PALMAS:

Dani Castellano ayaa ka dhaawacan kooxda martida loo yahay sidoo kalana Marko Livaja ayaa ganaax ku seegi doona ciyaartaan walow Kevin-Prince Boateng shaki la galinayo inuu ka hortago Barcelona.

BARCELONA:

Dhanka Barcelona waxaa ciyaartaan seegaya Lucas Digne, Rafinha iyo Aleix Vidal halka Mathieu shaki la galinayo.

Sergi Roberto ma ciyaari doono madama ay shan jaale u aruureen.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Barcelona wax guuldaro ah kalama kulmin Las Palmas horyaalka heerka kowaad tan iyo February 1986. tan iyo markaas 11-jeer oo ay is arkeen ma guuldareysan (7-guul 4-barbaro) sadexdii kulan ee ugu dambeysayna si xiriir ah ayey u badisay.

Barcelona ayaa guul gaartay shantii kulan ee ugu dambeysay horyaalka, 20-gool ayey dhaliyeen taasoo la micno ah kulankiiba (4-gool).

Las Palmas hal jeer kaliya ayey shabaqeeda ilaashatay 19-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka, 43-gool ayaana laga dhaliyay.

Lionel Messi ayaa ah xidiga ugu badan ee xerada banaankeeda ka toogtay shabaqa shanta horyaal ee ugu waaweyn qaaradda yurub (9-gool).

SHAXDA MACQUULKA AH:

Las Palmas: Javi Varas; Helder Lopes, Bigas, Lemos, Michel; Roque Mesa; Jonathan Viera, Vicente Gomez; Jese, Boateng, Tana.

Barcelona: Ter Stegen; Alba, Umititi, Pique, Mascherano; Busquets, Andre Gomez, Rakitic; Messi, Suarez, Neymar.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *