Home » Falanqeynta » Hordhac: Liverpool vs Bournemouth – Reds Oo Dooneysa Iney Xajisato Booskeeda Sadexaad Ee Horyaalka.

Hordhac: Liverpool vs Bournemouth – Reds Oo Dooneysa Iney Xajisato Booskeeda Sadexaad Ee Horyaalka.

Liverpool ayaa diyaar u ah iney adkeysato booska 3-aad ee horyaalka iyadoo dooneysa iney ka dhabeyso rajadeeda ah kasoo qeyb galka Champions League xagaaga soo aadan.

Daniel Sturridge ayaa la filayaa inuu kulankaan qeyb ka noqdo iyadoo wiilka England uu qarka u saaran yahay inuu gabi ahaanba soo afjarmo waayahiisa Anfield.

Reds haatan waxey 3-dhibcood ka hooseysaa Spurs oo booska labaad fadhisa caawana la ciyaareysa Swansea City, si walba Reds waxey u baahan tahay 10-gool si ay u gasho booska 2-aad hadii ay guuleysato sidoo kalana Spurs laga adkaado.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Liverpool vs Bournemouth

Tartanka: Premier League

Garoonka: Anfield Road

Garsoore: Lee Mason (England)

Saacadda: 10:00 habeenimo (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Liverpool waxey weyneysa Sadio Mane, Jordan Henderson iyo Adam Lallana kuwaas oo dhaawacyo kaga maqan kooxda gobolka.

Dhinaca kale Andrew Shurman ayaa ka maqan kooxda kaas oo dhaawac jilibka ah qaba, sidoo kale Edie Howe wuu diiday inuu si fiican uga warbixiyo dhaawacyada kooxdiisa inkastoo Tyrone Mings uu wali ku jiro waqtigiisii ganaaxa.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankii ay Bournemouth sida cajiibka leh u garaacday Liverpool [4-3] ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ay ebid guul gaarto Bournemouth kulamadeeda Reds, 10-jeer oo ay isku dayday.

Si kastaba Cherries ayaa guuldaro xambaartay afartii kulan ee ay horay usoo booqatay Anfield, 10-gool ayaa laga dhaliyay kaliya 2-gool ayey dhaliyeen.

Bournemouth laba jeer ayey xili ciyaareedkii hor usoo safreen Anfield, labadii jeerna min 1-0 lagu suldaara, sidoo kalana ayey iska dhaliyeen sadexdii kulan ee ugu dambeeyay oo ay labada kooxood kulmaan kulamada horyaalka waxaana dhamaan kala dhaliyay goolasha ciyaartoy kala duwan.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Liverpool:

Mignolet; Clyne, Matip, Lovren, Milner; Can, Lucas, Wijnaldum; Firmino, Origi, Coutinho

Bournemouth:

Boruc; Smith, Francis, Cook, Daniels; Arter, Gosling, Fraser, Wilshere, Pugh; King

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *