Home » Maxaa Cusub » Hordhac: Luxembourg vs France – Wiilasha Dechamps Oo Doonaya Iney Sii Xajistaan Hogaanka Group A.

Hordhac: Luxembourg vs France – Wiilasha Dechamps Oo Doonaya Iney Sii Xajistaan Hogaanka Group A.

France ayaa dooneysa iney sii wadato rikoorkeeda guuldaro la’aanta isreeb-reebka koobka Aduunka marka ay caawa marti u noqoto xulka Luxembourg oo ka mid ah xulalka joogga hoose ee qaaradda yurub. Sadexda xul ee ugu waaweyn group-ka A ayey dhibco fiican ka heleen Sweden, Netherlands iyo Bulgaria taasoo siin karta kalsooni dheeraad ah.

Guuldaro ay la kulmaan wiilasha Dechmaps culeys badan ayey ku noqon doontaa madama ay ka daba imaan karto Netherland oo kaliya 3-dhibcood ka hooseysa.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Luxembourg vs France

Tartanka: 2018 FIFA World Cup Qualifiers – Europe, Group A.

Saacadda: 10:45 Habeenimo (XGA)

Garoonka: Stade Josy Barthel.

Garsoore: Andris Treimanis (Latvia)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOQIXOOD?

Didier Deschamps ayaa qaatay go’aano dhanka dorashada ah Paul Pogba iyo Raphael Varane ayaa laga tagay kadib dhaawacyo soo gaaray, halka Sagna, Sissoko iyo Martial aan la wadin madama ay xanuunsanayeen dhawaanahaan.

Kylian Mbappe ayaa qaranka looga yeeray markii ugu horeysay halka sido kalana loo yeeray Tiemoue Bakayoko.

Dhanka kale tababare Luc Holtz wax dhibaato ah ma qabo dhamaan xidigahiisa waa u taam.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

France ayaa guuleysatay mid walba oo ka mid ah 14-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Luxembourg.

Luxembourg ayaa guuleysatay kaliya hal jeer dhamaan waqtigii ay wajahday Les Blues guushaasna waxey timid 1914 (5-4).

Luxembourg ayaa ku fashilantay iney badiso hal kulan oo isreeb-reeb ah 7-dii jeer oo ay isku dayday isreeb-reebka 1-barbaro iyo 6-guuldaro.

France lagama adkaan kulamadii isreeb-reebka ee ay ciyaartay sanadkaan, 3-guul iyo 1-barbaro, waxeyna guulo ka gaaray Bulgaria, Netherlands iyo Sweden.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Luxembourg:

Schon; Jans, Malget, Chanot, Mahmutovic, Da Mota; Bohnert, Bensi, Philipps, Mutsch; Joachim

France:

Lloris; Sidibe, Rami, Koscielny, Kurzawa; Kante, Matuidi; Mbappe, Griezmann, Payet; Gameiro

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *