Home » Maxaa Cusub » Hordhac: Man United vs West Brom – Miyuu Jose Mourinho Ka Gudbin Doona Red Devils Dhibaatada Dhaawaca Ee Hareysay.

Hordhac: Man United vs West Brom – Miyuu Jose Mourinho Ka Gudbin Doona Red Devils Dhibaatada Dhaawaca Ee Hareysay.

Manchester United ayaa dooneysa iney nooleyso rajadeeda afarta sare waxeyna isha ku heysaa iney guul ku gaarto Old Trafford inkastoo ay ka maqan yahiin ciyaartoy badan oo muhiim ah.

Jose Mourinho marmarsiyo uma noqon doonto ciyaartoyda ka dhiman iyadoo la xasuusan yahay in West Bromwich Albion ay si fiican usoo xasuuqday Arsenal todobaadkii ugu dambeeyay markii ay gurigooda ku qaabileen kulan ka tirsan horyaalka.

Sidoo kale United waxey isha ku heysaa iney kulankeedii 19-aad ee horyaalka aan laga adkaan marka ay maanta Old Trafford ku soorto West Brom.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Man United vs West Brom

Tartanka: Premier League

Garoonka: Old Trafford

Saacadda: 5:00 Galabnimo

Garsoore: Mike Dean (England)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Zlatan Ibrahimovic, Ander Herrera, Juan Mata, Paul Pogba, Chris Smalling iyo Phil Jones ayaa dhamaantood seegaya kulanka ka dhaci doona Old Trafford maanta.

Ibrahimovic iyo Ander Herrera waxey ku maqan yahiin ganaax, halka afarta ciyaartoy ee kale ay qabaan dhaawacyo, waxaana xusid mudan in Juan Mata uu seegi karo garoomada inta ka harsan xagaagan.

Dhanka kale Nacer Chadli ayaa ka dhaawacan kooxda martida ah kaas oo ay dhibaato kasoo gaartay kulamadii qarankiisa ee isreeb-reebka garabka ayuuna ka xanuunsanayaa.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Taariikhda labadaan kooxood ee dhawaanahaan makala fogeyn awood ahaan, madama 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ay min 3 kala badyeen sidoo kalana 1-jeer ay barbro galeen waa tan iyo kulankii taariikhda galay ee ku dhamaaday 5-5 kaas oo ahaa kulankii ugu dambeeyay Sir Alex Ferguson waayahiisa Red Devils.

Manchester United ayaa guuldaro qaadatay laba ka mid ah sadexdii kulan ee ugu dambeysay oo ay gurigeeda ku qaabishay West Brom kulamada horyaalka.

Wayne Rooney ayaa ka dhaliyay Baggies 7-gool, sidoo kalana wuxuu caawiyay 5-gool, 10-kiisii kulan ee ugu dambeeyay oo uu kulamada EPL-ka wajaho.

Sadexdii kulan ee ugu dambeysay laba ciyaariyahan oo kooxda martida ka tirsan ayaa garoonka laga saaray waxaana laga saaray Juan Mata iyo McAuley.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Man Utd:

De Gea; Bailly, Rojo, Blind; Valencia, Carrick, Fellaini, Young; Martial, Rooney, Mkhitaryan

West Brom:

Foster; Dawson, McAuley, Evans, Nyom; Chadli, Fletcher, Livermore, Brunt, McClean; Robson-Kanu

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *