Home » Featured » Hordhac: Manchester City vs Hull City – Pep Guardiola & Wiilashiisa Oo Doonaya Iney Kasoo Kabtaan Xanuunkii Kusoo Gaaray Bridge.

Hordhac: Manchester City vs Hull City – Pep Guardiola & Wiilashiisa Oo Doonaya Iney Kasoo Kabtaan Xanuunkii Kusoo Gaaray Bridge.

Manchester City ayaa dooneysa iney nooleyso rajadeeda ku dhameysashada afarta sare, haatan waxey fadhisaa booska 4-aad ee horyaalka iyadoo leh 58-dhibcood, waxeyna u baahan tahay guul si ay kaga fogaato Gunners iyo United.

Pep Guardiola iyo wiilashiisa waji gabax ayey kala soo kulmeen Stamford Bridge markaas oo ay wiilasha Antonio Conte ay talaabo u qaadeen hanashada horyaalka Premier League.

Marco Silva tan iyo markii loo dhiibay xilka tababaranimo ee kooxda Hull City wuxuu u hogaamiyay hanaan wacan iyadoo aan wax guuldaro ah la kulmin kulamada gurigeeda, balse waxey ku dhiban tahay banaanka.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Manchester City vs Hull City

Tartanka: Premier League

Garoonka: Etihad Stadium

Garsoore: Jon Moss (England)

Saacadda: 5:00 Galabnimo (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Gabriel Jesus ayaa tababarka kusoo laabtay balse lama filayo inuu isbuucaan ka qeyb qaato kulanka Hull, sidoo kalana Sagna iyo Gundogan ayaa ka maqan kooxda ka dhisan Etihad Stadium.

Dhinaca kale Harry Maguire ayaa seegi doona kulanka iyadoo Abel Hernandez uu diyaar u yahay inuu wajaho City, Dieumerci Mbokani, Omar Elabdellaoui iyo Tom Huddlestone ayaan sidoo kale ciyaari doono.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Manchester City kaliya hal jeer ayey guuldaro ka heshay Hull City 9-kii kulan ee ugu dambeeyay EPL-ka, guuldaradaasna waxey timid February 2010, xilli 1-2 lagu suldaaray, 5-guul iyo 3-barbaro ayeyna ka heysataa.

Guushii ugu dambeysay oo ay Hull City ka gaarto Man City iyadoo marti u ah waxey aheyd February 1930 kulan ka tirsan FA Cup, wixii markaas ka dambeeyay, 3-barbaro iyo 7-guuldaro ayey xambaaratay.

Manchester City ayaa lumisay kaliya 1-kulan, 17-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ku ciyaarto Etihad Stadium, 9-guul iyo 7-barbaro ayaa u dheeri ah, guuldaradaasna waxaa dhabarka u saaray Chelsea bishii December.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Manchester City: Caballero; Navas, Otamendi, Stones, Clichy; Fernandinho; Sterling, De Bruyne, Silva, Sane; Aguero.

Hull City: Jakupovic; Maguire, Dawson, Ranocchia; Elmohamady, Clucas, Ndiaye, Robertson; Markovic, Niasse, Grosicki.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *