Home » Maxaa Cusub » Hordhac: Middlesbrough vs Manchester United – Red Devils Oo Fursad U Heysta Iney Ku Dhawaato Afarta Sare.

Hordhac: Middlesbrough vs Manchester United – Red Devils Oo Fursad U Heysta Iney Ku Dhawaato Afarta Sare.

Manchester United ayaa mar kale heleysa fursad ay ugu dhawaato afarta sare isla markaana ay ku tiigsato booska shanaad ee horyaalka walow ay haatan hal talaabo hoos uga soo dhacday booskii ay bilooyinkii ugu dambeeyay ku jirtay ee (6-aad).

Guushii ay Everton shalay gaartay ayaa keentay in Red Devils ay muddo badan kadib ka baxdo booska 6-aad, waxeyna haatan jiiftaa booska 7-aad iyadoo gacanta ku heysata sadex kulan oo uu ku jiro kulanka maanta.

Red Devils guul ay gaarto waxey kaga dhignaan doontaa iney ku dhawaato Liverpool oo isna xilli ka dambeeya kulankooda la ciyaareysa Manchester City.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Middlesbrough vs Manchester United

Tartanka: Premier League

Garonka: Riverside Stadium

Garsoore: Jon Moss (England)

Saacadda: 3:00 Galabnimo (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Tababare Agnew ayaa rajeynaya in Bernardo Espinosa iyo Rudy Gestede ay diyaar u noqdaan kulankaan, waana kiisii ugu horeeyay tan iyo markii uu badalay Aitor Karanka.

Espinosa iyo Gestede ayaa laga saaray kulankii ay kooxda Bro 2-0 guuldaro ah ka heshay Manchester City – kulan ka tirsan FA Cup kadib markii dhaawacyo dhanka muruqa ah ay lasoo darseen, balse tababarka ayey kusoo laabteen.

Adlene Guedioura ayaa diyaaru ah kulankaan, waxaana wali kooxda ka maqan George Friend, Daniel iyo Calum Chambers.

Dhanka kale Daley Blind ayaa shaki la galinayaa kulanka maanta, halka suuragalnimada lagu heli karo kabtan Wayne Rooney aysan cadeyn wali.

Anthony Martial, Luke Shaw iyo Bastian Schweinsteiger ayaa rajeynaya iney kulankaan ka qeyb qaataan waase hadii ay noqdaan dooqa Jose Mourinho.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Middlesbrough ayaan wax guul ah gaarin 12-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay Red Devils la ciyaartay dhamaan taramada oo dhan 5-barbaro iyo 7-guuldaro ayey qaadatay.

Red Devils ayaa dhalineysay gool midkasta oo ka mid ah 14-kulan oo ay booqaneysay Middlesbrough, waana rikoorkeedii ugu dheeraa ee ay koox qura ka heysato.

Manchester United waxey guul heshay afar jeer oo ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay kulamada horyaalka EPl-ka oo ay booqatay Riverside.

Wayne Rooney ayaa si toos ah uga qeyb qaatay lix gool, shantiisii kulan ee uu kulamada EPL-ka wajahay Middlesbrough (2-gool iyo 4-caawinaad ah).

SHAXDA MACQUULKA AH:

Middlesbrough:

Valdes; Barragan, Bernardo, Gibson, Fabio; Leadbitter, De Roon, Clayton; Ramirez, Negredo, Traore

Man United:

De Gea; Valencia, Bailly, Smalling, Rojo; Carrick, Fellaini, Lingard, Mata, Mkhitaryan; Rashford

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *