Home » Europe » Champions League » Hordhac: Netherlands vs Italy: Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Caawa Ka Dhici Doona Amsterdam.

Hordhac: Netherlands vs Italy: Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Caawa Ka Dhici Doona Amsterdam.

Netherlands ayaa caawa soo dhaweyn doonta Azzurri kulan saaxiibtinimo oo ay labada qaran goor hore ku balameen, wuxuuna kulankaan kusoo aaday xilli Danny Blind laga ceyriyay shaqada xulka qaranka Holland kadib guuldaradii kasoo gaartay Bulgaria ciyaar ka tirsaneed isreeb-reebka koobka Aduunka ee wadamada yurub.

Giampiero Ventura wuxuu kusoo aaday xilli u qurux badan talyaaniga madama ay usoo kaceen dhalinyaro aad u badan wuxuuna mar walba sameeyaa doorashada ugu fiican isagoo haatan qaranka kusoo daray wiilka amaahda kaga maqan Atalanta kana tirsan Inter Milan ee Roberto Gagliardini kaas oo wax badan u qabtay kooxdiisa.

Johann Georg Friedrich ayaa caawa si kumeel gaar ah u hogaamin doona qaranka Holland madama uusan meesha joogin Blind oo shaqada laga ceyriyay kal hore.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Netherlands vs Italy

Tartanka: Kulan Saaxiibtinimo

Garoonka: Amsterdam ArenA

Garsoore: Jonas Eriksson (Sweden)

Saacadda: 9:45 Habeenimo (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA XUL?

Arjen Robben ayaa la filayaa inuu hogaamiyo qaranka Holland isagoo raadinaya goolkiisii 31-aad ee waayahiisa qaran, sidoo kalana Wesley Sneijder ayaa diyaar ah kaas oo 30-gool isna dhaliyay 126-kulan oo uu matalay Oranje.

Da’yarka Matthijs de Ligt ayaa filanaya in caawa uu mar kale kusoo bilowdo isagoo kulankiisii ugu horeeyay saftay kulankii Bulgaria oo uu xulkiisa musiibada ku noqday.

Dhanka kale Cirro Immobile iyo Andrea Belotti ayaa macquul ah in algu soo bilaabo weerarka talyaaniga inkastoo Eder iyo Lorenzo Insigne ayagana aan la ogeyn sida loo isticmaali doono.

Marco Verratti ayaa la filayaa inuu ciyaaro sidoo kalana Roberto Gagliardini ayaa filanaya inuu badalo De Rossi, halka ugu yaraan Gianluigi Donnarumma, Alessio Romagnoli iyo Daniele Rugani ay macquul tahay iney kusoo bilowdaan kulankaan.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Netherlands ayaa guul gaartay 2-kulan, 7-dii kulan ee ugu dambeysay dhamaan tartamada oo dhan.

Italy wax guuldaro ah lama kulmin lixdii kulan ee ay ciyaartay tartamada oo dhan 4-guul iyo 2-barbaro.

Azzurri ayaa guul heleysay sadexdii kulan ee ugu dambeysay oo ay banaanka kusoo ciyaartay.

Oranje lix guuldaro ayey qaateen 10-kii kulan oo ay gurigooda ku ciyaareen.

Todobadii kulan oo ay is arkeen labdaan xul Azzurri ayaa guul heshay 3-kulan halka Holland ay guul qaateen kaliya 1-jeer.

LINE UP-KA MACQUULKA AH:

Netherlands:

Zoet; Karsdorp, Hoedt, Martins Indi, Blind; Sneijder, Strootman, Wijnaldum; Robben, Dost, Depay.

Italy:

Donnarumma; Romagnoli, Bonucci, Rugani; Zappacosta, Gigliardini, Verratti; Parolo, De Sciglio; Belotti, Eder.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *