Home » Maxaa Cusub » Hordhac: Portugal vs Hungary – Kadib Barbardhacii Euro 2016 – Labada Xul Oo Mar Kale Is Arkaya Caawa.

Hordhac: Portugal vs Hungary – Kadib Barbardhacii Euro 2016 – Labada Xul Oo Mar Kale Is Arkaya Caawa.

Xulka qaranka Portugal ayaa doonaya iney ka taqalusaan qaranka Hungary kaas oo ay isku arkeen wareega group-yada koobka Euro 2016 iyadoo xiligaas ay ku kala baxeen 3-3 – wuxuu ahaa kulan cajiib ah oo aad la isugu jawaabay, balse markaan waxey isaga hor imaanayaa isreeb-reebka koobka Aduunka.

Portugal waxey qasaaro kala kulantay Switzerland kulankii ugu horeeyay taasoo keentay iney 3-dhibcood ka dambeeyaan qarankaas kuwaas oo aan hakad galin madama ay guulo wada gaareen 4-tii kulan ee ay ciyaareen.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Portugal vs Hungnary

Tartanka: 2018 FIFA World Cup Qualifiers – Europe, Group A.

Garoonka: Estadio da Luz

Saacadda: 10:45 Habeenimo (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA XUL?

Fernando Santos ayaa doortay shax fiican iyadoo xiddiga ugu weyn ee liiskiisa ka maqan uu yahay Luis Nani kaas oo dhaawac muruqa ah qaba,.

Bruno Alves ayaa ku jira qaab fiican waxaana laga yaaba inuu kusoo bilowdo wuxuuna daafaca kula midoobi doonaa Pepe, Joao Cancelo iyo Raphael Guerreiro.

Dhanka kale Hungary waxaa lagu soo daray afar xidig oo markii ugu horeysay ay tahay Paulo Vinicius, Marton Eppel, David Holman iyo Krisztian Adorjan kuwaas oo laga rajeynayo iney wax qabad muuqda la yimaadaan

XAQIIQOOYINKA:

Portugal wax guuldaro ah kalama kulmin Hungary 11-kii kulan ee ay labada kooxood ciyaareen 7-guul iyo 4-barbao.

Cristiano Ronaldo iyo Balazs Dzsudzsak ayaa dhaliyay min 2-gool, kulankii xiisaha lahaa ee ay sanadkii hore ku ciyaareen France (Euro 2016) kaas oo ku dhamaaday 3-3.

Adam Szalai iyo  Cristiano Ronaldo waa ciyaartoyda ugu goolasha badan Hungary iyo Portugal, waxeyna shabaqa soo wada taabteen sadexdii kulan ee ugu dambeeyay isreeb-reebka.

Portugal ayaa guul gaaray sadexdii kulan ee ugu dambeeyay ee isreeb-reebka koobka aduunka 16-gool ayey dhaliyeen kaliya 1-gool ayaa laga dhaliyay.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

PORTUGAL:

Rui Patricio; Cancelo, Pepe, Alves, Guerreiro; Quaresma, Mario, Carvalho, Silva; Andre Silva, Ronaldo

HUNGARY: 

Gulacsi; Bese, Vinicius, Lang, Korhut; Gyursco, Nagy, Gera, Dzsudzsak; Priskin, Szalai

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *