Home » Horyaalada » La Liga Spain » Hordhac: Real Madrid vs Man United – Maxaa Kala Qabsan Doona Mourinho & Zidane Marka Ay Caawa Iska Hor Yimaadaan?

Hordhac: Real Madrid vs Man United – Maxaa Kala Qabsan Doona Mourinho & Zidane Marka Ay Caawa Iska Hor Yimaadaan?

Laba ka mid ah kooxaha ugu waaweyn dunida ayaa caawa isku wajahi doona gobolka California ee dhaca dalka mareykanka, inkastoo ay tahay ciyaar ka tirsan koobka International Championship Cup hadana waxaa la filayaa iney xamaasadda ciyaarta noqoto mid aan caadi aheyn.

Labadaan kooxood waxey kulan rasmi ah ciyaari doonaan bilowga bisha August markaas oo ay isku wajahi doonaan kulan ka tirsan koobka UEFA Super Cup madama ay kusoo kala guuleysteen labada koob ee ugu waaweyn heerka kooxeed qaaradda yurub.

Los Blancos waa kulankii ugu horeeyay oo ay ciyaarto halka United uu u noqon doono kulankii afaraad madama ay guulo kasoo heshay LA Galaxy, Real Salt Lake & Manchester City.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Real Madrid vs Man United

Tartanka: International Championship Cup

Garoonka: Levi’s Stadium, Santa Clara, California

Saacadda: 12:00 Saqda Dhexe (Xilliga Geeska Afrika)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Real Madrid:

Ciyaartoyda Real Madrid goor hore ayey soo gaareen mareykanka waxeyna sameynayeen tababar ay isugu diyaarinayaan kulankaan walow aysan heli karin xidigo muhiim ah waxaana ka mid ah Cristiano Ronaldo oo fasax dheeraad ah la siiyay madama uu ciyaaray Confederation Cup.

Theo Hernández ayaa kaliya noqon kara ciyaariyahanka cusub ee Real Madrid u ciyaara madama Dani Cabellos uu fasax dheeri ah heysto, halka Vallejo oo dib ugu soo laabtay kooxda isna uu fasax leeyahay. James Rodríguez, Álvaro Morata ama Danilo ayaa ka maqnaan doona kulanka madama laba ka mid ah bixitaankooda la xaqiijiyay midna uu wadada kusii jiro.

Manchester United:

Manchester United goor hore ayey sadex kulan ciyaarta dhamaan guulo ayey gaartay 9-gool ayey dhaliyeen waxaa laga dhaliyay 3-gool oo qura iyadoo Rashford, Mkhitaryan iyo Lukaku ay goolal badan dhaliyeen.

David de Gea oo muddo badan bartilmaameed u ah kooxda Real Madrid ayaa caawa diyaar u ah inuu ka hor yimaado.

XAQIIQOOYIN LABADA DHINAC:

Real Madrid ayaa guul gaartay 8-jeer, 2-na wey guuldareysatay 10-kii kulan ee ugu dambeeyay dhamaan tartamada oo dhan.

Man United 6-guul, 2-barbaro iyo 2-guuldaro ayey heysataa 10-kii kulan ee ugu dambeeyay.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Real Madrid (4-3-3):

Keylor Navas; Marcelo, Nacho, Varane, Carvajal; Casemiro, Kroos, Modric; Bale, Isco, Benzema.

Manchester United (4-3-3):

De Gea; Blind, Smalling, Lindelof, Valencia; Pogba, Ander Herrera, Rashford, Mkhtaryan, Lingard, Lukaku.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *