Home » Horyaalada » La Liga Spain » Hordhac: Sporting Gijon vs Real Madrid – Zinedine Zidane Oo Nasiyay Sadex Ka Mid Ah Xidigahiisa Ugu Muhiimsan.

Hordhac: Sporting Gijon vs Real Madrid – Zinedine Zidane Oo Nasiyay Sadex Ka Mid Ah Xidigahiisa Ugu Muhiimsan.

Real Madrid ayaa dooneysa iney talaabo u qaado hanashada La Liga ka hor kulanka El-Clasico ee todobaadka dambe ka dhici doona magaalada caasimadda ah ee Madrid, waxeyna maanta marti u tahay Sporting Gijon.

Los Blancos haatan waxey 3-dhibcood ka sareysaa Barcelona iyadoo kulan baaqi ah gacanta ku heysata waxeyna ka dhigi kartaa 6-dhibcood hadii ay guul gaarto walow Barcelona ay caawa la ciyaareyso Real Sociedad.

Inkastoo todobaadkii hore isbadal weyn uusan ka dhicin fooqa sare ee La Liga, hadana  waxaa la sugi doonaa hadii ay maanta isbadalo dhacaan.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Sporting Gijon vs Real Madrid 

Tartanka: La Liga

Garoonka: Estadio El Molinon

Saacadda: 5:15 Galabnimo (XGA)

Garsoore: David Fernandez (Spain)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Kooxda martida loo yahaya waxey ganaax ku weyneysaa xidigooda Burgui, halka sidoo kale ay dhaawacyo ku weyn doonto Douglas, Traore iyo Cases kuwaas oo ka mid ah ciyaartoy muhiim u ah Gijon.

Dhanka kale Zidane ayaan heli doonin adeega daafacyada Pepe iyo Varane kuwaas oo dhaawacyo kaga maqan kooxda, Bale ayaa sidoo kale jug ay soo gaartay ciyaartii Bayern, Carvajal ayaana sidoo kale ganaax kaga maqan.

Sidoo kale Zidane wuxuu tarabuunka saaray Ronaldo, Benzema iyo Navas.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Sporting kaliya hal jeer ayey badisay 15-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ka hortagto Real Madrid kulamada La Liga, 2-barbaro iyo 12-guuldaro ayaa u dheeri ah.

Guusha qura oo ay gaartay waxey heshay April 2011 kulan ay 1-0 ku dubatay Madrid oo ku ciyaareysa Santiago Bernabeu.

Guushaas ay Sporting Gijon gaartay waxey aheyd guuldaradii ugu horeysay ee Real Madrid kusoo gaartay gurigooda kulamada La Liga waayaha Jose Mourinho.

Real Madrid ayaan wax guuldaro ah la kulmin sideed kulan oo xiriir ah kulamada La Liga oo ay ku ciyaartay El Molinón 5-guul iyo 3-barbaro.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Sporting de Gijon: Cuellar; Canella, Amorebieta, Mere, Castellano; Vesga; Moi Gomez, Xavi Torres, Sergio Alverez, Carmona; Cop.

Real Madrid: Kiko Casilla; Coentrao, Ramos, Casemiro, Danilo; Kovacic, James, Isco; Lucas Vasquez, Marco Asensio, Morata.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *