Home » Maxaa Cusub » Hordhac: Stoke City vs Chelsea – Blues Oo Fursad U Heysata Iney Kusii Dhawaato Hanashada Horyaalka EPL-ka.

Hordhac: Stoke City vs Chelsea – Blues Oo Fursad U Heysata Iney Kusii Dhawaato Hanashada Horyaalka EPL-ka.

Chelsea ayaa heysata fursad weyn oo ay ugu sii dhawaato hanashada horyaalka Ingiriiska, waxeyna u martin doontaa kooxda Stoke City, 13-dhibcood oo nadiif ah ayey ku qaban doonaan horyaalka hadii ay guul gaaraan, balse wuxuu farqigaas sii jiri doonaa ilaa Axadda markaas oo ay Tottenham soo dhaweyn doonto Southampton.

Antonio Conte ayaa doonaya inuu xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay horyaalka usoo xareeyo Blues inkastoo haatan uu yahay kan ugu cad-cad marka la fiiriyo sida ay wax ku socdana.

Chelsea ayaa guul gaartay kulankii ay labadaan kooxood isku wajaheen galbeedka London 4-2 ayeyna awoodda ku heshay Blues.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Stoke City vs Chelsea

Tartanka: Premier League

Garoonka: Bet365 Stadium

Garsoore: Anthony Taylor (England)

Saacadda: 6:00 Maqribnimo (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Marko Arnautovic, Xherdan Shaqiri iyo Wilfried Bony ayaa kusoo laabtay safka Stoke City, waxeyna diyaar u yahiin iney wajahaan hogaamiyayaasha horyaalka.

Arnautovic ayaa waayay kulankii ay kooxdiisa barbaraha gool la’aanta ah la gashay City, halka Shaqiri uu kooxda ka maqnaa lix kulan, Bonny isna wuxuu seegay kulankii Etihad madama uusan kooxdisii hore ka hortagi waayay.

Glen Johnson ayaa wali kooxda ka maqan, balse Jack Butland ayaa tababarka kusoo laabtay inkastoo uusan kulankaan ka qeyb qaadan karin.

Dhanka kale Chelsea laba xidig ayey shaki ka qabtaa iney weyso kulankaan inkastoo Antonio Conte uu diiday inuu labadaas xidig sheego.

Victor Moses ayaa jug ay soo gaartay kulankii Manchester United, balse tababarkii ugu dambeeyay wuu kasoo muuqday.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Stoke City ayaa guuleysatay laba ka mid ah 17-kii kulan ee ay la ciyaartay Chelsea 3-barbaro iyo 12-guuldaro ayaa u dheeri ah, halka labada guul ay ku gaareen gurigooda bet365 Stadium.

Chelsea ayaa diiwaan galisay laba guul, 7-dii kulan ee ugu dambeeyay oo ay tartamada oo dhan booqato Stoke, 3-barbaro iyo 2-guuldaro ayaa ku jirta, 2-0 December 2014 iyo 4-0 January 2013.

Diego Costa goolkiisa xiga ee horyaalka wuxuu u noqon doonaa kii 50-aad ee tartanka, waana ciyaariyahanka 7-aad ee gaara heerkaas.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Stoke City:

Grant, Bardsley, Martins Indi, Shawcross, Pieters, Cameron, Allen, Arnautovic, Sobhi, Walters, Berahino

Chelsea:

Courtois, Azpilicueta, Luiz, Cahill, Moses, Kante, Matic, Alonso, Pedro, Hazard, Costa

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *