Home » Maxaa Cusub » Hordhac: West Brom vs Liverpool – Reds Oo Isku Dayi Doonta Iney Dib Ugu Soo Laabato Booska Sadexaad.

Hordhac: West Brom vs Liverpool – Reds Oo Isku Dayi Doonta Iney Dib Ugu Soo Laabato Booska Sadexaad.

Liverpool ayaa diyaar u ah iney dib ugu soo laabato booska sadexaad oo ay xalay kala wareegtay Man City, Pep Guardiola iyo wiilashiisa ayaa guul weyn ka gaaray Southampton waxeyna taasi keentay iney dhibic ka saramarto Reds oo galabta ciyaareysa.

Jurgen Klopp xili ciyaareedkaan waxaa ka go’an in kooxdiisa ay ku dhameysato afarta sare si ugu yaraan ay Champions League kaga soo muuqdaan xili ciyaareedka soo aadan.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: West Brom vs Liverpool

Tartanka: Premier League

Garoonka: Hawthorns

Garsoore: Jon Moss (England)

Saacadda: 3:30 Galabnimo (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in Henderson iyo Lallana aysan qeyb ka noqon karin kulanka maanta ee West Brom, balse wuxuu sidoo kale u xaqiijiyay jamaahiirta iney bishaan gudaheeda dib u heli doonaan.

Coutinho iyo Firmino ayaa laga yaabaa iney kusoo bilowdaan iyadoo Woodburn iyo Arnold ay macquul tahay inaan lagu soo bilaabin sidii kulankii Stoke City.

Dhanka kale Tony Pulis wax dhibaato ah ma qabaan ciyaartoydiisa, wuxuuna kaliya ka fakari doonaa sidii uu u kala dooran lahaa.

XAQIIQADA KULANKA:

Tan iyo Steve Clarke oo West Brom u hogaamiyay iney laba jeer garaacdo Liverpool xili ciyaareedkii 2012/2013, Baggies wey ku fashilantay iney hal kulan badiso 7-kulan oo ay wajahday Reds 4-barbaro iyo 3-guuldaro.

Liverpool ayaa baadi goob ugu jirta guushii ugu horeysay oo ay kulamada Premier League kusoo gaarto Hawthorns tan iyo October 2011, markaas oo ay kooxdii Kenny Dalglish 2-0 ku garaacday, tan iyo markaas 3-barbaro iyo 1-guuldaro ayey kasoo qaadatay.

Sadex ka mid ah afarta gool oo ay West Brom ka dhalisay Liverpool mudada Tony Pulis waxaa dhaliyay daafacyada (Craig Dawson, Jonas Olsson iyo Gareth McAuley).

Coutinho ayaa dhaliyay gool sadex kulan oo xiriir ah kulamada horyaalka, waligiis afar kulan oo xiriir ah goolal ma dhalin.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

West Bromwich Albion:

Foster, Dawson, McAuley, Evans, Nyom, Yacob, Livermore, Fletcher, Chadli, Phillips, Rondon

Liverpool:

Mignolet; Clyne, Lovren, Matip, Milner; Lucas, Can, Wijnaldum, Coutinho, Firmino, Origi

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *