Home » Falanqeynta » Hordhac: Xaqiiqooyinka Kulanka Southampton vs Manchester City & Pep Guardiola Oo Ku Fakirayya Claudio Bravo Iyo Willy Caballero Midka Uu Shabaqa Ku Aamini Lahaa

Hordhac: Xaqiiqooyinka Kulanka Southampton vs Manchester City & Pep Guardiola Oo Ku Fakirayya Claudio Bravo Iyo Willy Caballero Midka Uu Shabaqa Ku Aamini Lahaa

Macalinka kooxda Southampton Claude Puel ayaa go’aan lama filaan ah qaadan doonaa kaasoo xidiga weerarka kaga ciyaara kooxda Manolo Gabbiadini si lama filaan ah ugu soo bilaabi kara kaasoo dhaawac gor dhaw kasoo kacay.

Steven Davis ayaa diyaar u ah kulanka in uu ciyaaro ka dib dhaawicii kasoo gaaray qeybta hoose ee lugta balse Oriol Romeu ayaa shaki ku jiraa inuu maqnaado.

Kabtanka kooxda City Vincent Kompany ayaa dib loogu arki karaa safka koowaad ee kooxda kaasoo wax dhibaato ah aanan qabin.

Macalinka kooxda City Pep Guardiola ayaa kala dooran doona Claudio Bravo ama  Willy Caballero cida uu ku  aamini lahaa shabaqa kooxda.

Image result for manchester city vs southampton pictures

XAQIIQOOYINKA:

Southampton ayaa soo afjartay afar kulan oo guul ah oo ay City ka gaartay taasoo 4-2 kaga adkaatay xili ciyaareydkii lasoo dhaafay.

Xaqiiqdii Saints ayaa kaliga laga adkaatay labo kulan todobo kulan horyaalka premier league ay City kula ciyaaraan garoonka St Mary’s labo waa ay adkaadeen halka labo kale ay bar baro la galeen.

City ayaa gool dhalisay 11-kii kulan u danbeysay dhamaan taramada.

Southampton

Southampton ayaa kaliya lumisay hal kulan lixdii kualn ee u danbeysay ee kulamada horyaalka afar ka mid ah waa ay adkaatay halka kulanka kale ay bar baro gashe.

waxaa ay guuleysteen markoodii ugu horeysay  seddex kulan oo xiriir horyaalka premier league tan iyo intuu kooxda maamulayo Claude Puel.

Dusan Tadic ayaa horumar sameynaya kaasoo shan gool ku luglahaa lixdii kulan ee horyaalka uu  kasoo muuqday hal ka mid ah wuu dhaliyay halka afarta kalane uu caawiyey.

Manchester City

Manchester City ayaa guuldareysatay hal kulan tobankii kulan u danbeysay ee horyaalka shan ka mid ah waa yadkaatay halka afarta kale bar baro ay gashay.

Guusha City aya aka dhigan guushii 19-aad ee xili ciyaareydkan taasoo la mid ah guushii uu Manuel Pellegrini gaaray xili ciyaareydkii 2015-16 uu maamulayey kooxda.

Sergio Aguero ayaa dhaliyay 10-goal tabnkii kulan uu kasoo muuqday garoomada dhamaan tartamada.

XOGTA KULANKA:

Kooxaha: Southampton vs Manchester City

Tartanka: Premier League

Garsooraha: Neil Swarbrick (England)

Saacadda:7:30pm (X.G.A)

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *