Home » Maxaa Cusub » Hordhaca Iyo Xaqiiqooyinka Kulanka Caawa Ee England vs Lithuania.

Hordhaca Iyo Xaqiiqooyinka Kulanka Caawa Ee England vs Lithuania.

Tartanka:  World Cup Qualification UEFA 1st Round Grp. F.

Garsooraha:  Ruddy Buquet.

Garoonka:  Wembley.

Waqtiga cayaarta:  Axad, Mar 26, 07:00pm/ fiidnimo.

 

England ayaa dooneysa in ay dib uhanaqaado ololaheeda isreeb reebka koobka aduunka ee Group “F”, ayagoo haatanna ku hogaaminaya group kooda 10 dhibcood oo ay ka heleen 4tii kulan ee ugu horeysay ee ay cayaareen.

Dhanka kale dhigooda xulka qaranka Lithuania ayaa fadhiya booska 4aad ee kala sareynta groupka, waxa ayna leeyihiin 5 dhibcood.

Jermain Defoe ayaa lafilayaa in uu ku soo biloowdo markiisii ugu horeysay tan iyo 2013-kii safka xulka qaranka sedexda libaax ee caawa wajahaya xulka qaranka Lithuania, asagoona badalaya Harry Kean oo dhaawac kaga maqan xulka sedexda libaax.

Daafaca da’da yare ee Michael Keane ayaa lafilayaa in markiisii ugu horeysay uu kasoo muuqdo gegeda Wembley.

Rooney ayaa go’aansaday in uu udagaalamo sidii uu dib uu ugusoo laaban lahaa safka xulka sedexda libaax, wuxuuna filayaa in uu dib uhelo usbuucaan tababarka buuxa ee kooxda Manchester United.

Tababaraha xulka sedexda libaax ee Southgate ayaa weli ku adkeysanaya in Rooney uu weli heli karo safka 1aad ee sedexda libaax.

Is araga labada xul:

Labadan xul ayaa horey ugu kulmay isreeb reebka Euro 2016, labadii kulan oo ay wada cayaareen xulka sedexda libaax ayaa ku kala adkaaday 4-0 iyo 3-0.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *