Home » Europe » Champions League » Hordhaca Iyo Xaqiiqooyinka Kulanka Caawa Ee Leicester City Vs Sevilla.

Hordhaca Iyo Xaqiiqooyinka Kulanka Caawa Ee Leicester City Vs Sevilla.

Tartanka:         Champions League Final Stage

Garsooraha:    Daniele Orsato

Garoonka:       King Power Stadium

Waqtiga:          Mar 14,  10:45pm/ habeen nimo

 

Xaqiiqada kulanka:

Sevilla ayaa wadata guul 2-1 ah oo ay gurigeeda ku soo gaartay.

Labadan koox ayaa markii ugu horeysay taariikhda isku arkaya tartamada qaarada yurub.

Leicester ayaan weli wax guul ah ka gaarin kulamadii ay laciyaartay kooxaha ree Spain dhamaan tartamada qaarada yurub.

Leicester dhamaan 5-tii kulan oo ay horey u wajahday kooxaha ree Spain dhamaan tartamada qaarada yurub wax guul ah kama aysan helin, hal bar baro ah iyo 4 guul daro ah.

Dawacooyinka ayaa eeganaya guushoodii ugu horeysay oo ay ka helaan kooxaha ree Spain.

Sevilla ayaa 3 jeer soo gaartay wareega bug baxda dhamaan 4 tii xili ciyaareed oo ay kasoo qeyb gashay tartanka Champions League.

Sevilla ayaan weligeed ka gudbin wareega bug baxda ee tartanka Champions League.

Xili ciyaareedkan champions League ma jirto koox ka badan Sevilla oo ku dhameysatay (clean sheets oo ah in ay kooxdu shabaqeeda ilaashato oo an gool laga dhalin) waxeyna sidaa sameeyeen  5 kulan, waxeyna kala mid tahay kooxda Juventus.

Leicester City ayaa guuleysatay dhamaan kulumadii champions league oo ay King Power Stadium ku cayaartay xili ciyaareedkan, waxa ayna kala mid tahay kooxaha Atlético Madrid, Bayern Munich & Barcelona.

Leicester ayaa kubad heysashadii ugu yareed ka sameysay Champions League xili ciyaareedkan, cel-celiska guud oo ay heshayna waa 39.6%.

Xidiga Sevilla ee Steven N’Zonzi ayaa ah xidiga ugu badan ee baasas ka sameeyay Champions league xili ciyaareedka dhamaan ciyaartoyda kale, 610 baas ayuuna sameeyay.

Riyad Mahrez ayaa ku lug lahaa 3 kamid ah 4-tii gool ee Leicester gurigeeda ku dhaliasay xili ciyaareedkan champions league.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *