Home » Europe » Hordhac Kulanka U Dhexeeya Manchester United Iyo Chelsea Iyo Xaqiiqooyinka Ciyaarta

Hordhac Kulanka U Dhexeeya Manchester United Iyo Chelsea Iyo Xaqiiqooyinka Ciyaarta

Kulanka: Machester United vs Chelsea

Xilga:10:45 xiliga geska africa

Garsoore: Michael Oliver

Tartanka : FA CUP-ka

Garoonka : Stamford Bridge

Captanka Man United Weyn Rooneey Ayaa dhaawac ku seegi doona kulanka caawa kadib markii eey isku dheceen Phil Jones gudaha xirada tababarka markaasoo rooneey uu dhaawac ka soo gaaray dhanka lugta  sila mid ah Dayarka weerarka ee reer France Antonio Martial ayaa isna qaba dhaawac  waxaase lama filaan noqotay marki eey soo bexeen warar sheegay I n xidig yaraha England iyo Man United ee Marcos Rashford uu asna seegi doono kulanka xanUUn owgiis

Dhanka kalena tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa heeysta saf caafimaad qaba waxaana u diyaarsan kulankaan dhamaan ciyaartooydiisa

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Waa markii 12-naad oo eey labadaan kooxood isku soo aadayaan tartanka FA Cup 8-kamid ah Man Utd ayaa adkaatay halka 3-kamid ahna ee Chelsea adkaatay

CHELSEA:

Chelsea ayaa unbeaten ah 11-kii kulan ee ugu danbeeysay oo eey wajahdo united horyaalka iyo koopapka kaleba 6-jeer waa eey adkaatay halka 5-na EEY bar bar dhac noqdeen

Unitedka ayaa wadata 2-guul oo kali ah 19-kii kulan ee ugu danbeysay oo eey Chelsea kula ciyaarto Stamford Bridge dhamaan kulamada oo dhan 11-kamid ah waa laga adkaaday Unitedka halka eey 6-jeerna bar bar dhac galeen

Markiii ugu danbeysay oo Chelsea reebto koxda difaacaneysa koopka wexeey eheed 1996 markaa soo eey reebeeen kooxda Liverpool oo xiligaas difaacaneeysey koopka

Blueska ayaa adkaatay 15-ka mid ah 16-kii kulan ee ugu danbeeysay tartamada oo dhan in tii uu talada hayay macalimuu Antonio Conte waxaan ka mid ah 12-kii kulan ee ugu danbeysey

Kulanka kali ah oo eey Chelsea ku qasaartay gurigeeda ayaa ah ciyaar Chelsea looga adkaaday 2-1 waxaana sidaas ku sameeysay Teamka Layiraahdo Liverpool

Chelsea ayaa guuleeysatay 9-kamid ah 10-kii kulan ee ugu danbeeysay oo eey ku ciyaarto gurigeeda marka laga reebo ciyaar Stamford Bridge 2015 markaa soo kooxda Bradford layiraahdo eey Chelsea uga adkaatay gurigeeda ciyaartaasoo ku dhamaatay 4-2

Chelsea ayaa soo gaartay 8-dhamaadka FA CUPka 12 jeer inta lagu guda jiro qarnigan 21-aad waana in ka badan inta eey kooxaha kale imaadeen

Pedro ayaa dhaliyay 4-gool sidookalena caawiyay 2-kale intii uu socday koopkaan

Manchester United :

Markii ugu ddanbeysay oo eey United ku qasaarto FA CUPka ayadoo ku dheeleeysa meel ka baxsan Old Trafford wexeey ehed 2013-kii markaasoo Chelsea eey ku ad kaatay 1-0

Reds ayaa horumar ka sameeysay 10-ka mid ah 13-kii kulan ee ugu danbeeysay oo eey ciyaarti  quarter-final ka FA CUPka

Unitedka ayaa qasaaro kala soo kulantay Stamford Bridge Bridge October  tii la soo dhaafay markaa soo looga soo adkaaday 4-0 waana qasaarihii ugu weynaa ee soo gaarta Mourinho  gudaha England intii u ku sugnaa

Wexeeyna eheed kuul daradii ugu xumeed abide e soo gaarta Mourinho ciyaar u dhexeysay Real Madrid iyo Barcelona markaasoo looga adkaaday Real 5-0 2010-kii

Jose Mourinho aya marnab ku qasaarin kulan ka tirsan 8-dhamaadka FA CUPka

Waa kulankii 46-oo eey Manchester ciyaarto xagaagan halka eey Chelsea u tahay kulankii 34-aad oo eey dheesho

Marcosus Rashford ayaa 4-gool dhaliyay 6-dii kulan ee ugu danbeeysay ee uu ka soo muuqdo FA CUPka.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *