Home » Horyaalada » France League I » Ibrahimovi Hazard Iyo kante Oo Hogaaminaya 11-ka Xidig Ee Ugu Wanaagsan Horyaalka Premier League Xidigaha Ka Yimid Horyaalka Ligue 1 Ee Dalka France

Ibrahimovi Hazard Iyo kante Oo Hogaaminaya 11-ka Xidig Ee Ugu Wanaagsan Horyaalka Premier League Xidigaha Ka Yimid Horyaalka Ligue 1 Ee Dalka France

waxaa caadiyan la kala qaata ciyaarayahanada kuwaasoo ku kala biira horyaalda kala duwan ee dunida balse shekadan waxey quseysaa xidigaha ka yimid horyaalka Ligue 1 ee haatan ka ciyaara horyaalka Premier league.

Ibrahimovic ayaa ah xidiga afka hore ka hogaaminaya 11-kan xidig kaasoo hore uga soo ciyaaray horyaalka La Liga asigoo u ciyaaraya kooxda Barcelona si la mid ah wuxuu kasoo ciyaaray horyaalka Seria A wuxuuna u ciyaaran kooxda AC Milan.

Hadaba Waa Kuwaan 11-ka Xidig Ugu Wanaagn Horyaalka Premier league Xidigaha Ka Yimid Horyaalka Ligue 1 Ee Dalka France.

ANTHONY MARTIAL | Kooxda Manchester United

Related image

xidigana ayaa united ugu soo dhaqaaqay aduun lacageed gaaraya  £58 million kaasoo kaga yimid kooxda Monaco sanadii 2015-ka.

ZLATAN IBRAHIMOVIC | Kooxda Manchester United.

Related image

Xidigan ayaa si bilaash ah uga soo dhaqaaqay kooxda Paris Saint-Germain kaasoo haatan ku jira xidigaha ay ku duusho kooxda Red Devils waxaana haatan laga yaabaa 35-sano jirkan in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda markii uu idlaado xili ciyaareydkan.

LAURENT KOSCIELNY | kooxda Arsenal

Image result for laurent koscielny arsenal

xidigan ayaa hal sano kusoo qaatay horyaalka Ligue 1 sanadii 2010, 31-sano jirkan ayaa 300-kulan u saftay kooxda waana kabtanka haatan hogaaminaya kooxda Gunners maadaama uu maqanyahy kabtan ka koowaad ee kooxda Per Mertesacker.

N’GOLO KANTE | Kooxda Chelsea

Image result for N'GOLO KANTE Chelsea

xidigii hore kooxda Leicester City ayaa kaga yimid horyaalka Ligue 1 kaasoo 2015-ka kasoo tagay kooxda Caen wuxuuna ku guuleystay horyaalka premier league xili ciyaareydkii lasoo dhaafay kaasoo ay Chelsea kusoo iibsatay £30 million.

OLIVIER GIROUD | kooxda Arsenal

Image result for giroud arsenal contrac

Giroud ayaa labo sano kusoo qaatay horyaalka Ligue 1 kaasoo u ciyaarayey kooxda Montpellier, Arsene Wenger ayaa xidigan kursiga keydka ku hayya xii ciyaareydkan kaasoo 100 gaol u dhaliyey kooxda.

PETR CECH |Kooxda Arsenal

Image result for cech arsenal contrac

Halyeeygii hore kooxda Chelsea ayaa 2004-tii waayo kusoo qaatay horyaalka Ligue 1 wuxuuna Chelsea ku sugnaa 11-sano kaasoo u saftay 486 dhamaan tartamda wuxuuna kula guuleystay Premier league Fa Cup League Cup Iyo Champions league wuxuuna ugu danbeyn kusoo biiray kooxda Arsenal sanadii 2015.

EDEN HAZARD | Kooxda Chelsea 

Related imagewaa mid ka mid ah xidigaha ugu halista abdan qaarada yurub kaasoo hore kooxda Lille ee horyaalka Ligue 1 ugu soo ciyaaray ka hor inta ay Chelse lasoo wareegin xidigan sanadii 2012-ka, wuxuuna Chelsea kula guuleystay horyaalka Premier league League Cup iyo Europa League halka uu noqday xidiga ugu wanaagsan sanadka xidigaha 23-sano jirada ka yar.

DAVID LUIZ | Kooxda Chelsea.

Related image

daafacan aya hore ugu ciyaari jiray koxoda Chelsea kaasoo ugu danbeyn ku biiray kooxda Paris Saint-Germain wuxuuna ugu dahqaaqay aduun lacageed gaaraya £50 million sanadii 2014, Chelsea ayaa dib usoo ceshetay daafaca reer Brazil kaasoo ay kasoo bixiyeen £34 million labo sano ka dib markii ay iska gadeen.

HUGO LLORIS | Kooxda Tottenham.

Image result for HUGO LLORIS tottenham contract

waa goolhayyaha labad ee kasoo ciyaaray horyaalka Ligue 1 haatane ka ciyaara horyaalka Premier league wuxuu 2012-ka yimid kooxda Lyon kaasoo ugu danbeyn usoo dhaqaaqay kooxda Tottenham wuxuuna ku jiraa goolhayyaasha ugu wanaagsan qaarada yurub xiligan la joogo.

CESAR AZPILICUETA | Kooxda Chelsea.

Image result for CESAR AZPILICUETA | Chelsea contract

xidigan ayaa goaansaday in uu £7 million kaga dhaqaaqo kooxda Marseille Sanadkii 2012-ka wuxuunahaatan waqti wacan ku qaadanayaa kooxda Chelsea asigoo ka mid ah daafacyada ay ku duusho Blues.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *