Home » Horyaalada » La Liga Spain » Iniesta Oo Lasheegay Inuu Sii Joogi Doono Kooxdiisa Barca, Waa Maxay Sababta?

Iniesta Oo Lasheegay Inuu Sii Joogi Doono Kooxdiisa Barca, Waa Maxay Sababta?

http://images.performgroup.com/di/library/omnisport/ed/e9/

Robert Fernandez ayaa rumaysan xidiga khadka dhexe ee Andres Iniesta inuu sii joogi doono kooxda Barcelona sanado dhowr ah.

Barcelona xidigeeda Andres Iniesta wuxuu baaqi ku ahaan doonaa horyaalka laliga dhowr sanadood, waa marka loo eego agaasimaha sportska ninka lagu magacaabo Robert Fernandez.

Inkastoo heshiiska kooxdiisa uu kula jiro uu dhici doono sanada 2018, Iniesta wuu u cusboonaysiindoonaa kooxda Barca qandaraaska.

Iniesta waa xidig 32 jir ah, wuxuu ku guulaystay sideed laliga, afar Champions Leagues iyo koobab kale, ninkaan kooxdiisa wuxuu kula guulaystay koobab badan.

Xidigaan ayaa larumaysan yahay inuu sii joogi doono kooxdiisa sido kale waxaa sidaa aaminsan ninka lagu magacaabo Fernandez.

“Waxaan doonaynaa Iniesta inuu nala sii joogo kooxda waliba sanado badan,” Fernandez ayaa u sheegay Movistar.

“Waxaan rajeynayaa inuu nala sii joogo waqti dheer. Waan hubaa inuu nala sii joogi doono.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *