Home » Horyaalada » La Liga Spain » Inuu Barbareeyay Messi, Suarez Iyo CR7, Ineysan Kooxna Ka Fakan Dhamaan La Liga & Benzema Oo Rikoor Hor Leh Sameeyay.

Inuu Barbareeyay Messi, Suarez Iyo CR7, Ineysan Kooxna Ka Fakan Dhamaan La Liga & Benzema Oo Rikoor Hor Leh Sameeyay.

Karim Benzema ayaa hogaanka u dhiibay Real Madrid kulankii ay kooxdiisa 3-0 ku garaacday Alaves ciyaar ka tirsaneyd horyaalka La Liga, wuxuuna ahaa goolkaas midkii 17-aad ee xili ciyaareedkaan, wuxuuna kaga dhignaa inuu dhamaan 31-kii kooxood oo uu wajahay waqtigiisa La Liga shabaqooda gaaro.

Kulanka Leganes wuxuu u noqon karaa mid gaar ah waa hadii uu shabaqa soo taabto waxeyna u noqon doontaa kooxdii 32-aad oo uu shabaqeeda taabanayo inkastoo ay jiraan tiro ciyaartoy ah kuwaas oo shabaqa soo taabtay 32-kooxood oo kala duwan waxaana ka mid ah:  Lionel Messi, Cristiano Ronaldo, Aritz Aduriz, Roberto Soldado, Antoine Griezmann, Fernando Torres, Ruben Castro, Luis Suarez iyo Carlos Vela.

Guud ahaan xiddiga reer France wuxuu dhaliyay 178-gool, waayahiisa Madrid, 120-ka mid ah wuxuu dhaliyay kulamada laga ciyaaro La Liga.

Wuxuu goor hore soo tiigsaday booska 9-aad gooldhaliyayaasha ugu badan ee Real Madrid kulamada horyaalka kaliya, marka laga hadlo dhamaan tartamada oo dhan wuxuu soo galayaa booska 8-aad.

Dhanka kale 10-ka gooldhaliye ee ugu sareeya taariikhda horyaalka La Liga waxey kala yahiin: (Messi, Ronaldo, Telmo Zarra, Hugo Sanchez, Raul, Alfredo Di Stefano, Caesar, Quini, Pahino and Mundo).

Rikoorka ah in 33-kooxood oo La Liga ah shabaqooda lasoo taabto cid kale ma heysato rikoorkaas waxaana la tagay Hugo Sanchez.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *