Home » Maxaa Cusub » Inuu Wax Dhibaato Ah Ku Qabo Mourinho & Antonio Conte Oo Ka Hadlay Hadii Ay Man United Ku Dhameysan Karto Afarta Sare.

Inuu Wax Dhibaato Ah Ku Qabo Mourinho & Antonio Conte Oo Ka Hadlay Hadii Ay Man United Ku Dhameysan Karto Afarta Sare.

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa aaminsan in Manchester United ay ku dhameysan karto afarta sare xili ciyaareedkaan horyaalka Premier League.

Labada kooxood ayaa berito [Axad] isaga hor imaan doona kulan ka tirsan horyaalka Premier League markaas ay United dooneyso iney talaabo sare u qaado sidii ay ugu dhameysan laheyd afarta sare walow ay haatan fadhiso booska 5-aad ee horyaalka.

Antonio Conte wuxuu meesha ka saaray in United ay kaliya diirada saari doonto UEFA Europa League iyagoo dhamaadka todobaadkaan soo dhaweyn doona Anderletch, wuxuuna ka dhawaajiyay iney jirto fursad ay afarta sare ugu dhameystaan.

“Waxey ila tahay in Manchester United ay suuragal tahay iney gaaraan afarta sare” Ayuu yiri Antonio Conte isagoo la hadlayay wargeysyada UK.

“Balse waxaan hubaa in ciyaartoyda United ay garanayaan xaaladaan, waxey doonayaan iney dagaalaman si ay u gaaraan booskaas”

“Ilama saxna in diirada la saaro hal dhinac iyadoo ay suuragal tahay inaad heysato laba dooq oo aad kusoo aadi karto Champions League”

Dhanka kale United kadib kulankooda Blues waxaa qasab ah iney kulmaan Manchester City, Arsenal iyo Tottenham ka hor dhamaadka xili ciyaareedka.

Sidoo kale Conte wuxuu ka hadlay hadii uu dhibaato ku qabo Jose kadib xurguftii yareyd ee dhexmaray kulankii FA Cup-ka ee Bridge.

“Wax dhibaato ah kuma qabo” Ayuu yiri Conte. “Kaliya waa tartan ciyaar oo noo dhaxeeya labadeena, waana kulan kubadda cagta ah”

“Waxaan isku dayaa inaan guul la gaaro kooxdeyda, isna wuxuu isku dayaa inuu kooxdiisa guul la gaaro, waana wax caadi ah in shaqaaqo dhacdo inta lagu jiro ciyaarta, balse waa shaqaaqo ciyaaraha ah”

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *