Home » Europe » Champions League » Inuu Yahay Kan Ugu Goolasha Badan, Kii Ugu Horeeyay Ee Gaara 100-gool & Xaqiiqooyin Muujinaya Inuu CR7 Yahay Amiirka Champions League.

Inuu Yahay Kan Ugu Goolasha Badan, Kii Ugu Horeeyay Ee Gaara 100-gool & Xaqiiqooyin Muujinaya Inuu CR7 Yahay Amiirka Champions League.

Cristiano Ronaldo ayaa xalay kala dhantaalay Bayern Munich kadib markii uu sadexley kaga reebay koobka horyaalada yurub xilli Madrid ay 6-3 guul ah ka gaartay Bavarian-ka labadii lug ee wareega quarter finalka Champions League.

CR7 oo dhawaan hantay abaalmarintiisii 4-aad ee Ballon d’Or ayaa gaaray darajada ugu sareysa goolasha Champions League madama uu 100-gool dhaliyay sidoo kalana habeenkii Munich wuxuu gaaray darajada 100-ka gool ee tartamada yurub.

Jeclow ama necbow, ciyaariyahankii hore Manchester United wuxuu muujiyay inuu yahay kan ugu sareeya tartankaan madama uu sameeyay xaqiiqooyinka aad hoos ku aqrisan doonto kuwaas oo ah wax aan lala wadaagin.

Lionel Messi waa xiddiga kula tartamada jaa’iza walba, Mucjisada Balaugrana ayaanan wali gaarin heerka 100-ka gool ee Champions League ama tartamada yurub inkastoo uu todobaadkaan rajeynayo inuu gaaro darajada 500-gool ee heerka kooxeed Barcelona.

Ciyaariyahankii Ugu Horeeyay ee Gaara Darajada 100-gool

Sadexleydii uu ka dhaliyay Bayern Munich waxey ka saaciday inuu dhaliyo goolkiisii 99-aad, 100-aad iyo 101-aad ee Champions League, Immisa ayuu dhalin karaa inta la dhiman xirfadiisa?

Sadexleydii Ugu Horeysay ee Bayern Munich.

Laga yaabee inuu inyar caawinaad ka helay calanhayaha, balse wuxuu noqday xidigii ugu horeeyay ee Champions League sadexley kaga dhaliya Bayern Munich..

Goolashii Ugu Badnaa Ee Hal Group Stage La Dhaliyo

CR7 ayaa dhaliyay 11-gool xili ciyaareedkii 2015/2016. Ma Xuma.

Goolashii Ugu Badnaa Ee Laga Dhaliyo Bug-baxda

Rikoorkiisa wali wuu taagan yahay, balse 42-gool ayuu ka dhaliyay wareegyada bug-baxda koobka Champions League.

Goolashii Ugu Badnaa Ee Hal Xili Ciyaareed La Dhaliyo UCL.

Wuxuu dhaliyay 17-gool oo uusan qof walba fileyn in la sameyn karo, Real Madrid xiligaas waxey ku guuleysatay koobka 2013/14.

Goolashii Ugu Badnaa Ee Hal Sano La Dhaliyo UCL.

2013 waxey u aheyd sanad wanaagsan, wuxuuna shabaqa ku shubay 13-gool oo Champions League ah, marka la isugu daro goolashii dhamaadka 2012/2013 iyo goolashiisii bilowga 2013/2014.

Hal Xidig Inuu Dhaliyo 15-gool ama Ka Badan Laba Xili Ciyaareed

Wuxuu sidaas sameeyay xili ciyaaredyada 2013/14 iyo 2015/16, labada jeerna koobka ayuu hantay.

Ciyaariyahanka Kaliya Ee Sadex Sadexley Hal Xili Ciyaareed Dhaliya

Cristiano Ronaldo ayaa sidaas sameeyay xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, sadex sadexley ayuuna ka dhaliyay Champions League.

Goolasha Ugu Badan Ee Labada Ah UCL

20-jeer ayuu dhaliyay wax ka badan 1-gool, kaliya CR7 ayaa sidaas sameeyay.

Goolasha Ugu Badan Kulamada Banaanka UCL

Sida cad maahan mid ku xanuunsada kulamada safarka, 42-gool ayuuna ku dhaliyay meel ka baxsan gurigiisa kulamada Champions League.

Kulamada Ugu Badan Oo Xiriir Ah Inuu Gool Kusoo Dhaliyo Banaanka

Cristiano Ronaldo ayaa 12-kulan oo banaanka ah si xiriri ah gool ugu soo dhaliyay, waana in ka badan ciyaariyahan walba.

Hal Ciyaariyahan Ayaa Laba Final Laba Koox Oo Kal Duwan Gool U Dhaliyay

Manchester United ayuu gool u dhaliyay finalkii 2008, sidoo kalana Finalkii Lisbon ayuu Atletico gool uga dhaliyay isagoo matalaya Real Madrid.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *